Somali Islamic Online oo ah Dugsi hab Online ah wax looga barto oo Bishaaro u haya Qurbo joogta


Arbaco, December 09, 2015 (HOL) — Somali Islamic online oo ah machad Caalami ah oo habka Online-ka wax looga barto dunida oo dhan, ayaa wuxuu bushaaro u hayaa bulshada Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan America, Yurub, Australia iyo Afrika.


Dugsigu wuxuu kuu diyaariyay barnaamij wax barasho oo ku saabsan Qur’aanka kariimka ah iyo culuumtiisa iyo luuqada carabida; sidoo kale wuxuu diyaariyay dugsigu macallimiin aqoon iyo khibrad u leh aqoonta shareecada Islaamka.

Culuumta uu Machadku bixiyo Waxaa ka mid ah:

1. Quraan-tajweed lagu baranaayo
2. Xadiis
3. Caqiido
4. Fiqi
5. Tafsiir
6. Luuqadda Carabida oo higgaad leh

Maamulka Somali Islamic Online ayaa waxay qurbo-joogta Soomaaliyeed ku wargeliyeen in machadku uu si Online ah wax ugu barti doono iyaga iyo carruurtooda meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Haddaba, Ciddii doonaysa faahfaahin intaan ka badan, waxay Somali Islamic Online kala xiriiri karaan – Cinwaannada kala ah: 0014155230233 (free cal), 00252-659704227 Skype [somali.islamic.academy].

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya