Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Siyaasiga Hilowle Aadan Maxamuud oo ka mid ah Siyaasiyiinta Jubbaland ayaa maanta shaaciyay in uu yahay Musharrax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Jubbaland.
Xaflad uu siyaasi Hiloowle ku qabtay Hotel Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen xildhibaanno ka tirsan maamulka Jubbaland, ururrada haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha Bulshada ee ku nool Degmada Kismaayo ayuu masuulkani ku shaaciyay musharaximadiisa xilka madaxtinimo ee Jubbaland.
Hiloowle Aadan Maxamuud ayaa hore u ahaan jiray xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha baarlamanka Somalia, waxa uuna kamid ahaa raggii xilka madaxtinimo kula Tartamayay madaxweeynaha hadda xilka hayo ee Jubbaland.
Siyaasi Hiloowle Aadan Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweeynaha Jubbaland uu wax badan ka qaban doono arimo ay kamid yihiin, Amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska.
"Haddii aad i doorataan, Insh Allaah Waxan wax ka qaban doonaa Arrimaha Ammaanka, xoreynta dhulka maqan ee Jubbaland, sare u qaadida dhaqaalaha, dhismaha wadooyinka burbursan," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.
Dhamaan marti sharaftii iyo xildhibaannadii ka hadlay xafladda ayaa taageeray musharax Hilowle, iyagoo sheegay in ay garab istaagi doonaan islamarkaana ay ku taageeri doonaan sidii uu ku gaari lahaa hadafkiisa.
Ugu dambeyn, 15-ka Bishaan aynu ku jirno ayaa la Filayaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo Doorashada Xilka Madaxweynenimo ee Maamulka Jubbaland, iyadoo Hilowle uu yahay Musharraxii Labaad ee Shaaciya inuu u Taagan yahay Xilka Madaxweynenimo ee Jubbaland, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe uu hore u shaaciyay musharaxnimadiisa.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya