Dhallinyarada Superpower oo Islii ku dhaawacay Wariye ka Qaybgalay Socodkii Rajada (Sawirro)


Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Wariye Saalax Maxamed oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaatay Barnaamijkii socodka rajada Walk Of Hope oo socday mudo bil ka badan, kana bilowdayna Bundada magaalada Gaarisa 13- June- 2015, isla markaasna lagu tagay magaalada Mandheera oo lagu maray ku dhawaad Kun Kilometer, ayaa dhaawaca aanan Cusleyn uu kasoo Gaaray Weerar ay ku Qaadeen Dhallinyaro Tuugo ah oo ku Hubeysnaa Tooreey kana qaatay Taleefoon uu watay iyo Lacag.

Wariyaha, ayaa Sheegay in Kooxda Tuugada ah ay soo Weerareen Habeen Hore isagoo maraayay wadada koowaad ee xaafada Eastleigh (Islii) agagaarka isgooyska 12-ka gaar ahaan meel u dhow boosteejada Baska Crown.

Wuxuu intaas ku daray Salah Mohamed in kooxda oo ka koobneyd afar nin ay toorey oga dhaawaceen dhanka bidix ee dhabarka kadibna ay ka qaateen Taleefoonkii Gacanta ee uu watay iyo Lacag jeebka ugu jirtay.

“Koox dhalinyaro burcad ah oo ka tirsan Superpower, ayaa xalay isoo weeraray qiyaastii 8.20 fiidnimo anigoo maraayay wadada koowaad ee xaafada Islii. Kooxda oo afar nin ka koobneyd waxey toorey iga dhufteen dhanka biddix ee Dhabarka agagaarka Kelida, waxeyna iga dhaceen telefoonkii aan watay iyo lacag”, ayuu ku sheegay Salah bartiisa bulshada, wuxuuna intaas ku daray in la geeyay Isbitaal oo laga daaweeyay dhaawacaas.

Dhanka kale Wariyaha, ayaa wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii la kulantay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta markii uu dhamaaday socodkii rajo soo celinta gobalka waqooyi bari Kenya. Waxaana 13 June maalintii uu bilowday socodkaas ay Hiiraan Online khadka taleefoonka ku wareysatay Salah Mohamed, isagoo ku suganaa meel baadiyo ah oo qiyaastii 30 KM u jirtay magaalada Gaarisa, wuxuuna inta badan socodkaas u qaabilsanaa dhanka warbaahinta.

Wariyaha oo Hiiraan Online ay saaka khadka taleefoonka kula hadashay, ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu hada wanaagsan yahay balse uu dareemaayo xanuun markuu damco inuu seexdo ama uu socdo. Wuxuu intaas ku daray inuu wali qaadanaayo daawooyin loo soo qoray.

Si kasta ha ahaatee xaafada Islii oo Soomaali badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi, ayaa Waayahaan dambe waxaa kusoo badanayay Falalka amni darada ah ee ay sameynaa dhallinyaro Somali ah oo ku hubeysan tooreeyo kuwaasoo koox koox ah, kuna mideysan magaca Super-power.

Dhalinyaradaas oo istcmaalo maandooriyayaal kala duwan, ayaa habeenkii waxey inta badan dadka xoog oga qataaan waxyaabaha ay wataan oo ay kamid yihiin Taleefoonada gacanta iyo agabka kale.

Waxeyna mararka qaar ku dhiiradaan iney xili maalin ah dadka ku baartaan xaafadaas oo ay horay oga dhaceen dagaalo u dhaxeeyo dhalinyarada Superpower iyo dhibaatooyin kale oo ay u geysteen dad shacab ah oo aanan waxba galabsanin.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya