HARGEYSA: Xukuumada Somaliland oo Maanta ka Hadashay Shaqaaqo uu Qof ku Geeriyooday


Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shaqaaqo xalay ka dhacday xaafadda jig jiga yar ee galbeedka magaaladda Hargeysa taas oo uu ku dhintay wiil yar oo 11 jir da’diisa lagu sheegay.

Shaqaadan oo ah muran dhul ka dhashay oo la isku haystay ayaa keentay in wiil yari ku geeriyooday, afar kalana ku dhaawacmeen kuwaas oo cisbitaalka lagu dabiibayo.

Wasiir ku xigeenka amniga Cabdi Daahir Camuud ayaa sheegay in dhul lagu muran yahay lahaanshihiisa la isku dayey in sharci daro lagu dhiso taas oo amar lagu siiyey in la joojiyo ka dibna dadkii guriga dhisanayey ciidanka dhagxaan ku shiideen ka dibna keentay khasaare labadda dhinacba.

“Waxa ka dhacday Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargeysa Guri la dhisayay oo dhulkiisa la isku haystay lagu amray cidii dhisanaysay in la joojiyo, ka dibna dad ayaa diidanaa in la joojiyo oo booliskii shiiday, hase yeeshee gambalkii markii uu dhacay xalay ayaa waxa haddana meeshii yimid dad kale waxaanay weerareen  Ciidanka booliska ee goobtaas ku sugnaa.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Camuud.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in illaa todoba askari dhaawac yihiin, isla markaana dhagxaan lala dhacay, waxaanu sheegay inay hadda xaaladdii degan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka booliska ayaa inta badan marka la shiiddo rasaas nool ugu jawaaba dadweynaha taas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac keenta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland