Dagaalyahanno ka Tirsan Al-shabaab oo Xalay Weeraray Xabsiga Magaalada Beledweyne


Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Koox hubeysan oo ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne xaafadda Buundo-weyn.

Sarkaal ka tirsan ciidammada dowladda lagu magacaabo Max'ed Nuur Cadaay, ayaa HOL u sheegay in ciidammada iska caabiyeen weerarka ay ku soo qaadeen xoogagga Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ka dilleen tiro ka mid ah dagaalyannadii weerarka soo qaaday.

“Ciidammada markii horeba foojignaan dheeraad ah ayeey ku jireen, waa ay u sii diyaar-sanaayeen weerarka, khasaare xoog lehna waa ay gaarsiiyeen kooxihii soo weeraray, qaar badan ayaa laga dillay, walina ciidamada waxaa ay ku raad joogaan'' ayuu yiri sarkaal ka u hadllay ciidammada.

Marka laga soo tago sheegashada dhinaca saraakiisha ciidammada dowladda ma jiro wax war ah oo laga hayo dhinaca Al-shabaab.

Maxaabiista ku jirta xabsiga ayaan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka xalay lagu soo qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya