TARSAN: Hay’adaha Turkiga Waxay la’yihiin Dowlad kala Shaqeysa Mashaariicda ay Wadaan


Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyahii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] ayaa Turkiga ku ammaanay inay wax badan ka qabteen Adeegyada Bulshada ee Magaalada Muqdisho, balse ay la yihiin Dowlad kala shaqeysa howlaha ay wadaan.

Tarsan ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka Somalia ay ka gaabisay la shaqeynta hay’adaha Turkiga, isla markaana loo baahan yahay oo kaliya dowlad si hagar la’aan ah ula shaqeysa.

“Waxaan la la’yahay hadda wax la shaqeeya Turkiga, waayo annaga hagar la’aan ayaan kula shaqeynay markii aan maamulka Gobolka haynay, waxaan qarash ku bixinnay ilaaladooda iyo wax walba ay inooga baahdaan, iyagana si hufan ayay Waddooyinkii ku dhiseen. Hadda haddii lala shaqeynayo maxaa loo la’yahay in la dhiso guryahii la ballan-qaaday, Turkiga shaqo wanaagsan buu dalka ka qabtay, laakiin waa in lala shaqeeyaa,” ayuu yiri Maxamuud Tarsan.

Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay inaysan jirin dowlad kale oo la Tartami karta Turkiga marka loo eego waxay qabteen iyo ballan-qaadyada ay sameeyeen, isagoo xusay inay howlo badan Qabteen.

Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho ka hirgelisay mashaariic badan oo ay ka mid tahay dhismaha Waddooyin, Isbitaallo iyo Xarumo kale oo muhiim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya