
Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Maxkamadda degmada Baraawe ee Al-shabaab ayaa ku fulisay maanta xukun gacan-goyn ah iyo karbaash laba qof oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen xatooyo iyo kufsi.
Fulinta xukunka ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla degmadaas, iyadoo ay dadweyne badan isugu soo baxeen goobta si ay u daawadaan xukunnada ay Al-shabaab ku fulisay labadan ruux oo dhallinyaro ahaa.
Ruuxa koowaad ee xukunka gacan-goynta ah lagu fuliyay ayaa lagu eedeeyay inuu ka xaday guri ku yaalla degmadaas lacag hal milyan oo shillin Somalia ah, iyadoo ruuxa kale oo lagu dhuftay 100 karbaash lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar ku nool degmadaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa goobta ka hadlay iyagoo dadka degmadaas ku nool uga digay inay falal dambiyeedyo ka baxsan sharceeda islaamka ku kacaan, ruuxii lagu helo dambina uu mudan doono xukun adag.
Al-shabaab ma shaacin magacyada labadan ee xukunnada kala duwan lagu fuliyay, iyadoo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ay tahay xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolkaas.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in labadan qof ay dambiyadooda uga hor-qirteen maxkamadda, ayna ku xukumeen gacan-goyn iyo karbaash, isagoo xusay in qof walba oo dambi lagu soo qabto la marsiin doono sharceeda Islaamka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii degmada Buulo Mareer ee isla gobolkaas lagu dilay saddex ruux oo ay Al-shabaab ku sheegtay inay ahaayeen jawaasiis u adeegi jiray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya