Xildhibaanno weydiistay beesha calaamka inay faragelinta ka deyso Somalia


Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay joojiso faro-gelinta ay ku hayso dowladda Soomaaliya, iyagoo si kulul uga hadlay bayaan wadajir ay dhawaan soo saartay beesha caalamka.

Mudanayaashan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG-ka ahaa, isla markaana aan loo baahaneyn fara gelin dibadeed, ayna soo dhamaantay in khilaafyadooda dibadda lagu xalliyo, ayna iyagu xallin karaan khilaaf walba oo soo if-baxa.

“Soomaaliya waxay KMG-nimadii ka baxday 2012-kii, waqtigaas dibadda ayaa laga maamulayay dalka wixii khilaafaad ah ee yimaadana waxaa lagu soo xallin jiray dibadda, maadaama aan ka baxnay KMG-kii, aana sameysannay dastuur waxaa la gaaray waqti aan isku tashan karno, wax kasta oo khilaaf ah oo jira aan xalin ka gaari karno. Ma ahan inay beesha calaamku faro-geliyaan arrimaheenna,” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kulanka ka hadlay.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay warqadii kasoo baxay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka daneeya Soomaaliya, isagoo sheegay warqadaas ay ahayd warqad qalad ah, isla markaana wax kasta oo jira uu baarlamaanka awood buuxda u leeyahay inuu xal ka gaaro.

“Warqaddaas waxaa u aragnaa warqad la mid ah tii Kampala Accord oo banaanka faro-gelin nalooga sameeyay. Annaga taas hadda waa ka gudubnay, wax kasta oo jirayna baarlamaankeenna ayaa si nabad ah ku xallin kara, khilaafaadkii horena si nabad oo wanaagsan ayuu ku xalliyay. Beesha Caalamka waxaa leennahay waxaad nagu caawin kartaan nagu caawiya, laakiin siyaasadeenna yaan faro-gelin lagu sameyn,” ayuu mar kale yiri Xoosh.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha baarlamaanka Somalia C/llaahi Jaamac ayaa isna sheegay in xilligan hay’adaha dowladda ay jiraan, gaar ahaan fulinta iyo sharci dejinta ayna awood u leeyihiin wax walba oo dowladda quseeya in gudaha ay ku xalliso oo aan loo baahneyn faro-gelin dibadda ah sidii horay u dhici jirtay oo kale.

“Mudadii uu dalku burburka ku jiray dowladihii KMG ahaa waxay khilaafyadooda la aadi jireen dibadda si loosoo dhex-dhexaadiyo. Caalamka wixii wanaag ah ee ay noo galeen waan uga mahadcelinaynaa, laakiin ogolaan mayno inay noqoto inuu dalkan noqdo meel cid walba ay iska gacneysato, waxaan doonaynaa inaan isku taagno lugaheenna; wixii khilaaf ah ee jira aan innagu xallinno, cidna inay kor nooga timaaddo ma doonayno,” ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Jaamac.

Ugu dambeyn, xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in marka loo fiiriyo marxaladihii KMG-ka ahaa ee lasoo maray iyo hadda uu farqi weyn u dhaxeeyo; loona baahan yahay in dalalka caalamka ay ixtiraamaan madax-baaanida Somalia.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxay si wadajir ah u muujiyeen in dowladdu ay u leedahay awoodd buuxda in arrimaheeda ay xalliso, isla markaana hay’adaha dowladda u shaqeeyaan si wadajir ah oo isla xisaabtan leh.

Waa markii ugu horreysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay soo saaraan warbixin ay ku sheegayaan in beesha calaamka ay faragelinta ka deyso Soomaaliya, iyadoo beesha calaamka ay inta badan isku daydo inay xalliso khilaaf walba oo soo dhexgala madaxda dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya