Sawir Hore | Kaydka Hiiraan Online 2014
Sabti, May 31, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku marayey deegaanada laamiga ka baxsan ee gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuuy ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.
Kumannaan kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso ayaa wafdiga Madaxweynaha si diirran usoo dhoweeyey. Ammaanka si aad ah ayaa maanta loo adkeeyey, waxaana muddo saacado ah la xiray jidka laamiga ah ee magaalada kala bara.
Muddada Madaxweynuhu uu Boosaaso ku sugan yahay, waxa uu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo sidoo kale xarigga ka jari doona mashruuca lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Deegaanada uu Madaxweynaha Puntland booqday waxaa kamid ah degmooyinka: Qardho, Iskushuban, Baargaal, Gumbax, Ufeyn, Rako iyo tuulooyin badan oo degmooyinkaas hoos taga. C/weli Gaas ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland soo mara, kaas oo booqda deegaanada fog fog ee dhinaca badda Hindiya xiga ee ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.
Dadweynaha deegaanadaas ku dhaqan ayaa si weyn ugu riyaaqay in markii ugu horreysey ay madaxda ugu sarreysa dowladda Puntland deegaanadooda soo gaaraan, dhinaca kale dadka siyaasadda Puntland ka faallooda ayaa sheegay in arrintani ay si weyn kor ugu qaadi doonto taageerada uu C/weli Gaas ka haysto bulshada.
Sawirrada soo dhoweynta naga fisha goor dhow...
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
Puntland, Soomaaliya