Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya howlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Buula-burte ku soo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay siteen.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ciidamada ay sameeyeen uu la xiriiray siddii Al-shabaab looga soo deyn lahaa gadiid xamuul ah oo ay u diideen in ay u soo gudbaan dhinaca degmada Buula-burte.
“Howlgalka waxaan ka sameynay deegaanno hoostaga degmada Buula-burte, ujeedadana waxaa ay aheyd siddii Al-shabaab looga fogeyn lahaa daafaha degmada, marka laga soo tago ragga gacanta lagu dhigay iyo hubkooda, siddoo kale waxaa ay ciidamada ku guuleysteen in ay ka soo daayaan gadiid xamuul ah oo ay u diideen in ay u soo gudbaan dhinaca degmada Buula-burte,’’ ayuu yiri Col Towane.
Meelaha howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah tuulooyinka Buur-weyn iyo Mukaylle oo aan wax badan ka fogeyn degmada, waxaana ay saraakiisha sheegeen in howlgalkaas dhinacooda wax khasaaro ah ka soo gaarin.
Degmada Buula-burte oo horaantii bishan lagala wareegay Al-shabaab dadka ku dhaqan waxaa ay cabasho weyn ka muujinayaan go’doominta ay degmada ku jirto, waxaana ay taa sababtay sare u kac ku yimid qiimaha maciishada daruuriga ah eela isticmaalo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya