Xukuumada oo shaacisay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya Madaxda dowladda

Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar ku saabsan inuu jiro khilaaf labadan mas’uul soo dhex-galay.

Warbixin lagu daabacay baraha Facebook-ga iyo Twitter-ka qaar ka mid ah mas'uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya inuu khilaaf u dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uusan jirin.

“Iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta Somalia iyo baraha xiriirka bulshadu ay maalmahan daabacayeen warar ku saabsan khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, waxaan caddeynayaa inaysan jirin wararkaas yihiinna kuwo aan sal iyo raad lahayn,” ayuu afhayeenka xukuumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/weli ku yiri bartiisa Facebook-ga.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda wuxuu xusay in wararkaas lagu sheegay inay yihiin kuwo ku saabsan isku-shaandheynta lagu sameynayo golaha wasiirrada xukuumadda, balse aysan jirin.

“Anigoo ku hadlaya afka xukuumadda waxaan idiin caddeynayaa inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha. Labada mas’uul waxay si dhow oo wadajir ah mar kasta ugu taagan yihiin u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu afhayeenku mar kale ku yiri qoraalkiisa.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxay ku sheegeen barahooda Twitter-ka inuusan jirin khilaaf u dhexeeyay ayna ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan la shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya labada mas’uul, kaasoo ka dhashay isku-shaandheyn la doonayo in dhawaan lagu sameeyo golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya