AMISOM oo sheegtay inay gacan ka geysanayso sugiddda Amniga Muqdisho


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Ku-simaha wakiilka ururka Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyatto Mutende oo Manata shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay inay ciidamada AMISOM ka geysan doonaan gacan sugidda ammaanka Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Lydia Wanyatto Mutende ayaa shirkeeda jaraa’id ku sheegtay in howlgallo ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan amniga ay habeen iyo maalin ka sameyn doonaan magaalada Muqdisho si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu afuraan, isla markaana looga hortago weerarrada ay Al-Shabaab ka geysnayso caasimadda Soomaaliya.

“Waxaan dhawaan booqasho ku tagay Baydhabo iyo Baladweyne, waxaana lasoo kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalooyinkaas, kuwaasoo muujinayay rajada wanaagsan ee ay ka qabaan ammaanka oo soo hagaaga iyo dib u dhiska ka bilowday dalka,” ayay tiri Lydia Wanyatto.

Sidoo kale, Wanyatto ayaa xustay inay jiraan tababbaro lagu siinayo dugsiga Jasiira ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka kooban booliis, milateri iyo nabad-sugid si ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Lydia Wanyatto ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay wada-shaqayn buuxda la sameyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xoogag ka tirsn Al-shabaab ay maanta Xamarweyne ee gobolka Banaadir ku dileen xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xeyd, halka ay dhaawaceen xildhibaan kale oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Xuseen (Coonka).

Dhanka kale, afhayeenno u hadlay kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda Somalia, AMISOM iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya