Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo lagu dilay eerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan.
Mudane C/weli Sheekh ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii, eheladii, asxaabtii uu Xeyd ka geeriyooday iyo qaranka uu ka tagay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey inuu jannadiisa ka waraabiyo.
“Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Xeyd oo maanta gacan ka xaq darani ku dishay Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay, xildhibaanku wuxuu taariikh dheer ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare C/weli ayaa si adag u cambaareeyay falkii lagu dilay xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, isla mar ahaantaana ka baxsan diinta Islaamka. Mudane Cabdiweli ayaa ballan-qaaday in Qaranka Soomaaliya uu ka guuleysan doono cadawgiisa.
“Waxaan sii xoojin doonnaa tallaabooyinka aanu ku beegsanayno dambiilayaasha caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna sharafta leh xilli aan ku jirno Ramadaan. waxaan ugu baaqayaa waaxaha amniga ee arrintan baaritaanka kawada inay si deg-deg ah gacanta ugu soo dhigaan kuwii geystay falkan foosha xun, cadaaladana la horkeeno,” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay ra’iisul wasaare Cabdiweli.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya