Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil oo Duqeeymo culus ka geystay Marinka Gaza


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) —  Inta la og-yahay 12 ruux ayaa ku dhaawacmay duqayn dhanka cirka ah oo diyaaradaha Israel ay ka fuliyeen Gaza xalay saqdii dhexe, xilli dad-weynaha Gaza ay u diyaar-garoobayeen saxuurashada sida laga soo xigtay ilo –wareedyo lagu kalsoonyahay.

“Mid ah kamid ah dadka dhaawacmay xaaladdiisa halis ayey ku sugan-tahay “ayuu yiri afhayeen u hadlay kooxaha gurmad-deg degga ah ee Gaza, wuxuuna sheegay in todobo kamid ah dhibanayaasha lagu beegsaday halka lagu magacaabo Beit Lahiya oo ku taalla waqooyiga Gaza.

Afhayeen u hadlay miliatariga Israel ayaa isna sheegy in diyaara-dahooda ay weerareen xarumo ay argagaxisadu leedahay oo ay ku jiraan xerooyin tababar iyo warshado lagu sameeyo hubka sida uu xusay.

Waxaa kaloo uu sheegay in duqayntan ay jawaab u tahay madaafiic iyaga lagu soo weeraray  ,taasi oo aan khasaare badan  gaysan marka laga reebo korontada oo ka tagtay halka lagu magacaabo Sderot oo ka tirsan Israel.

Xiisadaha u dhaxeeya Israel iyo Falastiin ayaa sii kordhayay tan iyo markii Herbon laga helay maydadka seddex wiil oo dhalinyaro  ah oo o u dhashay Israel ,kuwaasi oo la soo toogtay.

Si la mid ah Israa’iil ayaa taas jawaab uga bixisay  dilka Maxamed Abu Khudair oo u dhashay Falastiin ,waxaana la aamninsan-yahay in loogu argudayay  seddexdaas wiil, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay sidii hore ka dagantahay maanta.

 Ugu danbayntii muddo kooban ka hor waxaa is-casilay danjirihii dowladda Maraykanka u qaabilsanaa wada hadalada labada dhinac, kaasoo ku guul-daraystay in uu meel dhexe isugu keeno dhinacyada waqtiga dheer is khilaafsan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]