Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Dab khasaare maaliyadeed geystay ayaa xalay ka kacay garaash la dhigto baabuurta oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho, iyadoo geerashka ay yaalleen gaadiid isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar ee raaxada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabku uu kacay 12:00 habeenimo ee xalay, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda waxa sababay dabka, iyadoo dabku socday illaa waaberigii hore ee saakay.
“Illaa hadda lama oga sababta dabka dhalisay, wuxuuse geystay khasaare xooggan oo hantiyeed. Inta aan arkay waxaa gubtay tiro fara badan oo gaadiidka yar-yar ah iyo shan gaari oo kuwa xamuulka ah oo garaashka yaallay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halkaas markii uu dabku kacayay.
Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in dadka deegaanku ay ka qaybqaataan sidii loo damin lahaa dabkaas ayna xilli dambe oo 4:00 habeenimoah ku guuleysteen in dabkaas ay baqtiiyaan.
“Garaashku wuxuu ku yaallaa inta u dhexeysa xaafadda Arjantiin iyo Wajeer ee degmada Kaaraan, musiibada dhacdayna waxay ku ekeyd mid hantiyeed mana jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco goob hanti taallo oo Muqdisho ku taalla, iyadoo illaa iyo hadda la sheegin sababtii keentay in dabku uu garaashkaas ka kaco, inkastoo ay jiraan gaadiid yar oo dabka laga badbaadiyay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya