Shirweyne lagu doortay Ugaas Dhallinyaro ah oo ka dhacay Gobolka Mudug


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Shir muddooyinkii dambe ka socday Daaru-Salaam oo ka mid ah deegaannada gobolka Mudug ayaa waxaa lagu duubay Ugaas cusub kaasoo ay doorteen mid ka mid ah beelaha dega gobolka Mudug.

Intii uu kulankaas socday ayaa la sheegay inay beeshu kaga tashanaysay sidii ay u dooran lahayd Ugaas metela, waxaana ka qayb-galay shirka waxgaradka, Qurba-joog, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haween kasoo jeeda beeshan.

Beesha ayaan dhammaadkii shirka u doortay ugaas, Maxamuud Sheekh C/qaadir Mohamuud Shoole oo ay sheegeen inuu yahay nin ay u arkaan inuu ka shaqeyn karo maslaxadda beesha.

Doorashada kaddib waxaa bayaan ay soo saareen odayaasha, dhallinyarada iyo culummada ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin habka ay u dhacday doorashada Ugaaska.

Sidoo kale, beesha Cumar Cismaan ee Leel-kase ay sheegeen in doorashada Ugaaskan ay door firfircoon ka noqon doonto nabad kuwada noolaashaha beelaha ay wada deggaan gobalka, beel ahaana ay muddo ku hawlanaayeen nabad-galyada ayna sii xoojin doonaan.

Ugaaska cusub ee beesha reer Fiqi Ismaacil ayaa ah nin dhallinyaro ah oo sannadkii 1984-kii ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarshadiisii dugsiga hoose  kusoo qaatay dalka  Siiriya, waxbarashadiisii sarena wuxuu ku qaatay Muqdisho, halka waxbarashadisa jaamacadeedna uu ku qaatay jamacadda Al-Culuum Wa-tik-nolojiyah ee magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen; isagoo qaatay Shahaadada koowaad ee waxbarashada jaamacadeed (Bachelor). Ugaaska ayaa lagu wadaa in dhawaan la caleemo saaro.

Waxgaaradkii iyo nabaddoonnadii shirka ka qayb-galay waxaa ka mid ahaa:

01. Nabaddoon Bashiir Xaaji Cali Isxaaq
02. Nabaddoon Cabdi Xirisi Maxamuud
03. Nabaddoon Maxamed Guuleed Muuse
04. Nabaddoon Cali Xasan Faarax
05. Nabaddoon Xasan Aadan cali
06. Nabaddoon C/raxiim Cismaan Aadan
07. Nabaddoon Maxamed Cabdi Aadan
08. Nabaddoon Maxamuud Faarax Aw-Maxamed
09. Caaqil Yuusuf Xaaji Xirsi
10. Caaqil Maxamed Cilmi Cumar (Dhoombe)
11. Caaqil C/llaahi Jaamac Ciise
12. Caaqil Khalar Cali Ibraahim
13. Caaqil Yaasiin Maxamuud Cali
14. Caaqil Dr. Axmaed-Weli Cali Aw-Maxamed   
15. C/waaxid Diiriye Aw-Jaamac
16. Maxamud Cali Ciise
17. C/risaaq Cabdulle Isxaaq
18. C/raxmaan Faarax Aw-Maxamed
19. Siciid Ibraahim Cumar
20. Inj. Axmed Siciid Maxamed (Hoobiye).

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya