Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad laba maleeshiyo oo deegaanka ah ku dhexmaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Shan qof ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay isugu jiraan dhinacyadii uu iska-hoirmaadku u dhexeeyay iyo dad shacab ah, iyadoo intii ay is-rasaaseyntu socotay uu xirmay isku socodka dadka iyo gaadiidka degmadaas.
Wasiirka gaadiidka, dekedaha iyo kalluumeysiga maamulka Galmudug, Maxamed Aaden Qalab-xoor ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iskahorimadka kooxahan hubeysan ku dhexmaray gellinkii dambe ee maanta gudaha degmada Hobyo.
Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan degmada Hobyo ayaa sheegay in dagaalkan uu daba socdo dil sannadkii hore gudaha degmadaas loogu geystay taliyihii ciidamada amniga ee degmadaas, C/weli Xasan Xersi.
Wasiirka gaadiidka, dekeddaha iyo kalluumeysiga Galmudug ayaa sheegay inay ku baxeen dagaalkan odayaal iyo waxgarad si loo qaboojiyo xiisadda, isagoo rajo weyn ka muujiyay in xiisaddan la dhameynayo.
Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay ku dagaalamaan degmada Hobyo oo ka mid ah deegaannada uu gacanta ku hayo maamulka Galmudug oo ka arrimiya qaybo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Somalia.
Xaaladda degmada Hobyo ayaa hadda daggan, iyadoo weli kooxihii dagaalku uu ku dhexmaray degmadaas ay kuwada sugan yihiin gudaha degmada, waxaana dadka deegaanku ay soo sheegayaan in dadaallo nabadeed ay socdaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya