Munaasabadda xuska 01-Luuliyo oo xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Munaasabad siweyn looga soo qeyb-gallay islamarkaana lagu maamuusayay xuska 1- Luulyo oo ku beegan 54-sano guuradii ka soo wareegtay 1960-kii markii ay ka xuroobeen gobollada Koonfureed gumeystihii Talyaaniga, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo ay ka qeyb-galleen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood salka ku hayay qiimaha maanta oo kale ay u leedahay guud bulsho weynta Soomaaliyeed.

Max’ed Yuusuf Macalin Garabey oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka gobolka, dhinaca kalana ah shaqsi u soo joogay  maalmihii xuryada ayaa si qota dheer uga hadllay dhibaatadii laga soo maray xornimada aynu maanta harsaneyno, isaga oo sheegay in dabaal-daga maanta oo kale loo bixiyay naf iyo maal.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gureey, ayaa sheegay in maanta ay ku beegan tahay maalin weyn oo la hantay sidda uu hadalka u dhigay Qarannimada umadda Soomaliyeed, islamarkaana ay is raaceen labadii gobol ee W/qooyi iyo Koonfur oo afar maalmood uun ku kala danbeeyay ka xuroobida gumeystihii Ingariiska iyo Talyaaniga.

“Wali waxaa jira qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed oo gumeysi cusub ku hoos nool, waxaan rajeynayaa in munaasabada tan xigta ee sanadka danbe guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka si isku mid ah u maamuusaan maalmaha xurriyada,’’ ayuu sheegay taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Baadiiyoow] ayaa ku dhiiraaday taariikhdii dhalinyarradii ururka SYL oo sidda uu sheegay dadaal dheer ku bixiyay siddii Soomaaliya dib ugu soo ceshan laheyd xuryadeedii,  isaga oo intaa ku darray in ay jiraan shaqsiyaad rag iyo dumarba leh oo u dhintay siddii ay isaga tuuri lahaayeen heeryada gumeysiga.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax oo munaasabada ugu danbeyntii soo xirray ayaa hambalyo guud u diray dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogtaan, gaar ahaan waxaa uu munaasabada 01- Luuliyo ugu hambalyeeyay madaxda ugu sareysay dowladda.

“Waxaa farxad-weyn inoo ah in caawa magaalada Beledweyne bulshada ku dhaqan waqti danbe xili habeenimo ah u soo jeedaan sidddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen xuska maalintan ku weyn shacabka Soomaaliyeed, goob joogna u noqdaan munaasabada calan saarka,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay jiraan sidda uu hadalka u dhigay dad doonaya in xuryadaa la hellay dib u celiyaan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed mar kale sidda uu hadalka u dhigay gacanta u qabtaan cadawgga, laakiin waxaa uu sheegay in dhinacooda ay ka diyaar-garoobeen arrintaa iyada ah, kana hortagi doonaan dadkaas uu tilmaamay.

Saacadu markey aheyd 12:00 saqdii dhexe ayaa la saaray calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana ay mas’uuliyiinta gobolka salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ka qeyb-qaadanayay munaasabada calan saarka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledwyene, Soomaaliya