Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lacag Gaarsiiyay Isbitaalka Baladweyne

Cabirka Farta


Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Xili marxalad adag uu wajahayo isbitaalka Beledweyne  ayaa waxaa deeq lacageed markii labaad gaarsiiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, oo baaq u jeediyay ganacsatada gobolka iyo Jaaliyadaha dibada si wax looga qabto baahiyaha kala duwan ee ka jirta Isbitaalka.

Deeqda lacageed oo dhan $3300 oo doolar ayuu ku wareejiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif mas’uuliyiinta Isbitaalka waxaana guddoomay madaxa dhaqaatiirta Dr. Xassan Cumar Siyaad oo ka mahad celiyay kaalmada loogu deeqay isbitaalka.

Lacagta $1800 oo ka mid ah waxaa ay ka timid UK,  halka $1000 doollar oo deeqda ka mid ah lagu sheegay in laga hellay adeegyada kala duwan ee uu isbitaalku bixiyo, lacagta inta soo hartayna waxaa ku deeqay ururka dhalinyarrada iyo xubin ka mid ah guddiga isbitaalka.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaallaha isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne sida ay ugu dhabar adeygeen u adeegida dadka bukaanka ah, xili aysan jirin wax hay’ad ah oo ka gacan siineysa socod siinta howlaha baxaad leh ee uu isbitaalku hayo.

Ma’aha markii ugu horeysay ee uu Ugaas C/raxmaan booqdo isbitaalka afartii bishii Juun ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii uu siddan oo kale deeq lacageed oo ka timid Jaaliyadaha dibada gaarsiiyay isbitaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya