
Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Wariye Amanda Lindhout oo u dhalatay Canada 15-bilna afduub loogu haystay gudaha Soomaaliya ayaa laga samaynayaa filim ka sheekeynaya sidii loola dhaqmay muddadii ay ku jirtay gacanta afduubayaasha.
Filimkan ayaa waxaa jili doonta Rooney Mara oo ah jilaa dunida si weyn looga jecel yahay, kaddib markii Lindhout ay ka qortay buug ka sheekeynaya dhibaatadii loo geystey muddadii ay ku jirtay gacanta afduubayaasha
Gabadhan ayaa qortay buug ay ugu magac dartay “The House In The Sky” kaasoo ay soo jiidatay shirkadda Annapurna Pictures go’aansatayna inay filim ka sameyso sheekadan. Shirkaddan ayaa waxay soo saartay aflaam ay ku heshay abaalmarinno caalami ah sida American Hustle, Her iyo Zero Dark Thirty.
Suxufiyaddan reer Canada ee Amanda Lindhout iyo sawir –qaade, Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia ayaa lagu afduubtay duleedka Muqdisho bishii August ee sannadkii 2008. Suxufiyiintan ayaa waxay ku jireen gacanta afduubayaasha muddo gaareysa 460 maalmood.

Lindhout ayaa sheegtay in buugga ay qortay uu yahay mid ku saleysan fikirkeeda iyo wixii ay aragtay, iyadoo intaas ku daray sheegtay inay kufsan jireen kooxihii u haystay afduubka.
Dhanka kale, suxufiyaddu waxay buuggeeda kusoo qaadday sida qoysaska ay uga wal-wali jireen intii ay afduubka ku jireen iyo sida ay dowladahoodii uga hareen in ay gacan ka geystaan furdaamintooda.
Ugu dambeyn, 600,000 oo doollarka Mareykanka ah ayaa lagu siiyay suxufiyiintan halka lacag intaa la’egna ay heleen dadkii la xaajoonayay afduubayaasha gacanta ku hayay labadan wariye.
Amanda Lindhout ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii afduubtay ee falka kufsiga ahna kula kacay uu kula soo xiriiray barta Facebook-geeda uuna ugu hambalyeeyay dadaalkeeda ku aaddan gargaaridda gabadhaha Soomaaliyeed ee la kufsado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya