Talaado, July 01, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay dilal iyo qaraxyo dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ugu dambeeyeen saddex askari oo maanta lagu dilay degmada Afarta Jardiino.
Afhaeyenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay kordhinayaan beegsiga askarta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya.
“Howlgallo aan ka fulinnay Muqdisho tan iyo markii uu billaabatay bishan Ramadaan waxaan ku toogannay sagaal askari oo kuwa dowladda ka tirsan, howlgalladeenna waan xoojin doonnaa waana ballaarin doonnaa,” ayuu yiri Abuu-Muscab.
Sidoo kale, Abuu-Muscab wuxuu sheegay in Axaddii oo ahayd maalintii koowaad ee Ramadaanka ay toogteen xoogaggooddu saddex askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, shalay oo Isniin ahaydna ay ku dileen saddex shaqaalaha dowladda ka tirsan laba qarax oo ka dhacay Muqdisho.
Xukuumadda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dhawaan sheegay inay qadayaan howl-gallo ay ku adkeynayaan ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan, balse falalkan ayaa muujinaya in dowladdu aysan weli awood u lahayn inay amniga sugto.
Nuur Jaamac oo ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliay ayaa xaqiijiya in koox ka tirsan Al-shabaab ay madaxa ka toogteen saddex askari oo booliis ah maanta xilli ay ku jireen howlo ay ammaanka ku sugayeen.
Al-shabaab ayaa sannadkii hore iyo sannadkan weearro aan horay loogu arag ka fuliyay Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, weerar ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, dhismaha Qaramada Midoobay, xarunta baarlamanka iyo goobo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay laba odayaal dhaqameed, kuwaasoo ay dileen rag bastoolado ku hubeysan.
Weerarkan lagu dilay oday dhaqameedyadan weli ma jirto cid sheegatay, laakiinse saraakiil u hadlay booliiska degmada Afgooye ayaa sheegay inay mas’uul ka tahay dilka Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya