Somalia oo Taageero buuxda kala soo Noqotay Shirkii Midowga Afrika


Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) — Madaxda dalalka Afrika ayaa waxay garab ka siinayaan Soomaaliya howlgallada lagula jiro Al-Shabaab kaddib kulan laba maalmood uga socday magaalada Addis Ababa madaxda dalalka Midowga Afrika.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa wuxuu yiri: ”Annaga hadda waan ka fiicanahay 20-kii sano ee la soo dhaafay. Taasna ma ahan mid aan innagu keliya gaarnay ee waxay ku timid kaalmada aan ka heleyno saaxiibbadeena caaalamka.”

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dowladda ka dhabeyn lahayd in Soomaaliya ay noqoto mid nabadgalyo ay ka jirto, isagoo xusay inay Afrika garab taagan tahay, taasoo uu uga madaxda Midowga Afrika uga mahadceliyay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay madax Afrikaan ah, kuwaasoo uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Heilemeriam Desalegn, sidoo kale wuxuu la kulmay ergayga Marekanka ee Afrika, Linda Thomas Greenfielf. Kulammadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo af-jari lahaa Al-shabaab inta lagu jiro sannadkan 2014-ka.

“Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Maraykanka taageerada dhanka amniga iyo qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya, taasoo ah mid aan ku gaari karno nabad iyo horumar taam ah,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya