Dalalka ay ka Socdaan AMISOM oo Looga Digay Weerarro Argagaxiso

Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) — Madaxa hay'adda sirdoonka  u qaabilsan Maraykanka  ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in wadamada geeska Afrika ku yaalla ay wajahayaan weerarro argagaxiso oo halis ah, kuwaasoo uu sheegay in ay abaabulayaan kooxo ay kamid tahay Al-shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo James Clapper ayaa isna  u sheegay warbaahinta in khataraha ugu badan ay la kulmi doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya.

"Al-Shabaab waxa ay doonayaan in weerarro ay ka fuliyaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla wadamada qaar ee Afirka"ayuu yiri James Clapper oo ka digay dhibaatada ka dhalan karta falalkaas argagaxiso hadii ay suuragalaan.

Taliyaha booliska Kenya David Kimaiyo ayaa tilmaamay in heegan sare la galiyay dhamaan ciidamada qalabka sida ee dalka ,isla markaana ay ka fiijiganyihiin cid kasta oo ay isku dayda in ay amniga khal-khal galiso.

"Waxaa la adkeeyay amniga goobaha muhiimka ah sida goormada diyaaradaha xuduudaha wadanka iyo goobaha ay bulshadu ku badanyihiin," ayuu yiri taliyaha oo shacabka Nairobi ugu baaqay  in ay digtoonaadaan.

Ammaanka wadamo ku yaalla  Bariga Africa ayaa iyagana  si aad ah loo adkeeyay,si looga hortago falal ay gobolka ka fuliyaan kooxo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida kuwaasoo ku dhuumaalaysanaya meelo ka tirsan qaaradda.

Ugu danbayntii ilaa 70 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ay kooxda Al-shabab bishii Septembar ku qaadeen suuqa West gate oo ah goob ay inta badan ka dukaameysan jireen  Ajnabiga ku nool Kenya, waxaana weerarkaas uu khatar galiyay gabi ahaanba amniga gobolka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]