Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa Arbacadii ku qabtay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) sagaal qof oo ay Soomaali, booliis iyo shaqaale diyaaradeed ku jiraan, kuwaasoo lagu tuhmay inay ku lug leeyihiin kooxaha sameeya baasaboorrada iyo fiisooyinka been-abuurka ah.
Paul Okoth Alala oo ka tirsan shaqaalaha Kenya Airways ayaa loo xiray inuu si ula kac ah diyaaradda u saaray dad sita dukumiintiyo been-abuur ah, sidoo kale Mustafa Maallin oo ah askari ka shaqeeya waaxda baarista JKIA ayaa loo qabtay macluumaadka la xiriira dad looga shakiyay dukumiintiyo been abuur ah.
Sidoo kale waxaa la xiray Peter Ngananga Karanja oo la rumeysan yahay in uu yahay ruuxa saldhigga u ah tununnada la baarayo leh xarun lagu far-sameeyo dukumiintiyada been abuurka ah oo ku taalla Ngara, halkaasoo dambi-baarayaashu ay ka heleen 29 baasboor oo been-abuur ah, 39 tiimbare oo fiisayaal been-abuur ah lagu sameeyo, laabtoobyo, markiinadaha wax lagu daabaco iyo kuwa dukumiintiyo la been abuuray.
Waxaa iyagana la xiray laba Itoobiyaan ah, laba Somali ah iyo laba Bangaal ah, sida uu sheegay madaxa waaxda ka hortagga dmbiyada, Noah Katumo.
Ruux kale oo shaqaale ka ah waaxda socdaalka ayaa sidoo kale la tuhunno la mid ah kuwan laga qabaa, waana la baadi-goobayaa kaddib markii uu ka baxsaday garoonka.
"Ma garanayno inta qof ee ay u suuro-gashay inay maraan garoonka iyagoo isticmalaaya baasaboorro iyo fiisooyin been abuur ah, laakiinse waxaan isku dayaynaa inaan arrinkan ogaanno," ayuu yiri Katumo oo mar kale yiri: "Waxay u muuqataa inay yihiin burcad halis ah."
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo sannadkii hore ay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya shaqada ka erisay saraakiil sare oo ka tirsanaa waaxda socdaalka, kuwasoo lagu eedeeyay inay dhoof u fududeeyeen dad watay baasaboorro been abuur ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya