Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) — Guddiga sirdoonka ee aqalka baarlamaanka waddanka Maraykanka ayaa warbixin ay siiyeen golaha waxay kaga hadlayeen arrimaha ammaanka caalamka gaar ahaan halista ururro uu Al-shabaab ka mid yahay, iyagoo sheegay in Soomaaliya uu hadda ka mid yahay dalalka lagu jabiyay ururrada Al-qaacida xiriirka la leh.
Guddigan ayaa sidoo kale wrbixintooda ku sheegay in inkastoo ay Al-qaacida awooddeeda ku ballaarisay dalal Afrika iyo Bariga dhexe ku yaalal haddana ay muuqanayso inay Soomaaliya iyo Yemen si weyn ugu jabeen.
“Xarakada Al-shabaab oo ku xiran Al-qaacida ayaa lagu jabiyay magaalooyin ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo laga qabsaday, waana guulaha waaweyn ee laga gaaray dagaallada lagula jiro Al-qaacida,” ayay guddigan u sheegeen golaha.
Agaasimaha hay’adda ammaanka Qaranka Maraykanka, James Clapper ayaa guddi hoosaadka arrimaha sirdoonka u qaabilsan ayaa xildhibaannada dalka Maraykanka u sheegay in inkasoo aysan dowladdiisu walaac ka qabin weerar kaga yimaada Al-qaacida haddana aan la dhayalsan karin halistooda.
Sidoo kale, haweeneyda la yiraahdo Diyan Vanistan oo madax u ah guddi-hoosaadka arrimaha sirdoonka ee golaha baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in xogta ay hayaan ay sheegayso in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka awoodda Al-qaacida iyo Al-shabaab lagu wiiqay halka ay ku xoogeysteen dalalka Mali, Libya iyo Masar.
Madaxweynaha Maraykanka, Barack H. Obama ayaa khudabadiisii sanadlaha ahayd oo uu maalmo ka hor jeediyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay dowlado Maraykanku ku gacansiinaya la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagaxisada.
Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli toddobaadkan ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku toogteen duleedka Baraawe oo ay ka taliso Al-shabaab hoggaamiye sare oo lagu magacaabi jiray Isku-dhuuq.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya