Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) — Baalayaal ka mid ah kuwa qorraxda ku shaqeeya ayaa saakay waaberigii hore lagu qarxiyay xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan, iyadoo ay ka dhasheen qaraxyadaas dhaawacyo gaaray dad dhimirka la’ oo la daweynayay.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin ayaa lagu burburiyay laba baalle, iyadoo dadka dhaawacyadu ay soo gaareen oo ka badan shan qof la sheegay inay ku jireen xarun dadka dhimirka la’ lagu daweeyo oo ku dhaweyd mid ka mid ah baallayaasha la qarxiyay.
“Waaberigii saaka waxaa dhacay qaraxyo waaweyn oo lagu burburiyay laba ka mid ah baallayaasha ku shaqeeya cad-ceedda, waxaana qaraxyadaas mid ka mid ah uu sababay dhaawaca dad waalan, kuwaasoo xaaladoodu ay aad u daran tahay,” ayuu yiri ruux daggan xaafadda Al-Bakaraka ee degmada Hodan.
Dhaawacyada dadkii waxyeelladu gaartay ayaa saakay loo qaaday goobaha caafimaadka si loo daweeyo, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo baallayaal la qarxiyay ay ka dhashaan dhaawacyo noocan oo kale ah.
Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso qaraxyada lagu burburiyay labadan baalle ee ay ku xiran yihiin nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, waxaase horay loogu eedeeyay inay ka dambeyso Al-shabaab.
Jidka soddonka oo ah halka ay ka dhaceen qaraxyadan ayaa ka mid ah jidad sannadkii hore uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyay baallayaasha ku shaqeeya cad-ceedda ee habeenkii ifa, iyadoo baallayaasha waddadaas ku yaalla dhowr jeer oo hore la qarxiyay.
Maamulka degmada Hodan iyo kan gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxyada xalay lala beegsaday baallayaasha ku shaqeeya cad-ceedda ee ku yaallay xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya