Madaxweynaha Somalia oo la kulmay dhigiisa dalka Masar Al-sisi (SAWIRRO)


Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar, Jen. C/fataax Al-siisi, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahira.

Xasan Shiikh ayaa madaxweynaha Masar uga warbixiyay xaaladaha amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dib-u-dhiska Somalia. Isagoo dowladda iyo shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Somalia isku garab taageen xilliyadii adkaa.

“Si weyn ayaanu ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaaminayo Jen. Al-Siisi in ay kaalin wanaagsan ka qaadato dadaalka dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada madaxweyne ee Somalia iyo Masar ayaa isku af-garteen inay labadooda dal iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada, beeraha, tababarka ciidammada kala duwan, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.

Dhankiisa, madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in la dhisi doono guddi labada geesood ah oo howshiisu noqonayso inay isku soo duba-ridaan iskaashiga labada dal dhexmari lahaa.

Masar ayaa intii kulanku socday aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya, uu u fidiyay ra’iisal wasaaraha Masar, Ibrahim Mahlab si uu booqasho rasmi ah ugu yimaado magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada madaxweyne ee Masar iyo Somalia ka sokow, waxaa kulankan ka qayb-galay ra’iisul wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo wasiirro labada dal kala matalayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya