
Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Waxaa duleedka Tuulada Dhamma-saar oo waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood kontomeeyo kiilo-mitir lagu caleema-saaray Suldaanka mid ka mid ah beelaha halkaas daga.
Suldaankan oo lagu magcaabo, Maxamed Aadan Gol-cad ayaa waxaa kasoo qayb-galay kumannaan bulshada gobolka Sool degta, iyadoo ay qayb ka ahaayeen madax-dhaqameed, cuqaal, culumaa'uddiin iyo waxgarad kale.
Goobta caleemo-saarku ka dhacayay oo ahayd dooxada Xidhiidho waxaa ka qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo si wanaagsan goobta uu caleemo-saarku ka dhacay loo xardhay.
Caleema-saarka kaddib ayaa waxaa ka hadlay qaar waxgaradka; kuwaasoo ka sheekeeyay waqtigii ay caleema-saarka iyo xilligii ay soo billaabeen, waxayna u mahadceliyeen dham-maan intii kasoo jawaabtay marti-qaadka.
Dhowr ka mid ah cuqaasha gobolka Sool oo halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood suldaan cusub u rajeeyey inuu noqdo madax-dhaqameed wax-weyn kusoo kordhiya beel ahaan iyo beelaha kale ee ay wada-dagaan.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo hadlay ayaa isna suldaanka cusub ku sifeeyay wadada ugu wanaagsan ee lagu najaxi karo, isagoo xusay waajibaadka ka saaran suldaanka xallinta khilaafyada iyo horumarinta dadkiisa.
Ugu dambeyn, Suldaan Gol-cad oo soo xiray munaasabaddii caleema-saarkiisa ayaa ka codsaday bulshada in lagu garab siiyo hawsha isagoo ballan-qaaday inaanu ka leexan doonin magaca uu xanbaarsan yahay.
Suldaanka ayaa madax u noqon doona dad daga deegaanno ku yaalla gobollada Sool, Koonurta Sanaag iyo Cayn, iyadoo salaadiinta ay haatan marayaan 14, halka markii ay jirtay xukuumaddii milateriga ahayd ay ahaayeen afar suldaan oo keliya.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool