Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Shirkaddii u horreysay oo Caymis ah ayaa 24-sano kaddib maanta laga hirgeliyay Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii furitaanka shirkadda Caymiska Islaamiga ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo ganacsato.
Munaasabadda lagu furayay shirkaddan oo lagu magacaabo Takaful and Re-Takaful ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo bandhigay barnaamij ka hadlaya qorshaha howsha ay bulshada Soomaaiyeed u qabanayso, iyadoo madaxda shirkaddan ay faahfaahin ka bixiyeen ujeed-dooyinka loo furay shirkaddan.
Qaar ka mid ah mas'uuliyiintii ka qayb-gashay xafladda ayaa soo dhaweeyay furitaanka shirkadan Caymiska ah iyo waxay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay ku tilmaameen tallaabo horumar leh oo lagama maarmaan u ah bulshada.
Guddoomiyaha shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Somalia, Maxamed Cabdi Maxamed oo ka hadlay munaasbadda furitaanka shirkadda ayaa xusay in shirkadan ay tahay mid Islaami ah oo xiriir la leh shirkadaha Caymiska ee caalamka.
"Shirkaddan waxay ku shaqeynaysaa nidaam Islaamiga ah, waxayna xiriir la leedahay shirkadaha caymiska ee caalamka ka jira," ayuu yiri guddoomiyaha shirkaddan, Maxamed Cabdi oo intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan shirkaddan.
Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay taliyaha ciidamada nabad-gelyada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo sheegay in shirkaddan ay soo dhaweynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan, isagoo ku tilmaamay in xilli loo baahnaa ay kusoo aadday shirkaddan.
Dhanka kale, sii-hayaha wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka hirgelinaya dalka shirkado ganacsi oo bulshada faa'iido u ah, wuxuuna ku baaqay in dalka oo dhan la gaarsiiyo adeeg-ga caymiska shirkaddan.
Qoorsheel ayaa sheegay in Caymiska uu yahay mid faa'iido u ah shacabka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay mas'uuliyiintii lahaa fikrada shirkaddan Caymiska ah ee markii u hor-reeysay labaatan sano ka badan laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta shirkadda Caymiska Islaamiga ee Takaful and Re-Takaful ayaa noqonaysa shirkaddii u horreyay oo Caymis ah oo Somalia laga hirgeliyo tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya