
Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa shalay lagu aasay Gaarisa ee xarunta gobalka waqooyi bari Kenya, wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Cali Kheyr oo Khamiistii aynu soo dhaafnay ay rag hubeysan ka afduubeen isla degmada.
Sheekh Maxamed Cali Kheyr oo lagu naaysi jiray Sheekh Dawaara, ayaa maalin kaddib afduubkiisa, sabtidii aynu soo dhaafnay waxaa Meydkiisa laga helay meel Bulaacad ah oo ku taallo deegaanka Embu oo ka tirsan Gobalka Eastern Kenya.
Magaalada Gaarisa, ayaa shalay waxaa ka jiray buuq iyo daganaasho la’aan kadib markii dadka ku dhaqan magaaladaas ay isku soo baxeen, ayagoo sheegay iney ka xun yihiin dilka wadaadkaas oo shalay meydkiisa dib loogu celiyay magaaladaas isla markaasna lagu aasay.
Qaar ka mid ah ururada Bulshada rayadka, ayaa ugu baaqay dowlada Kenya iney cadeyso cida ka dambeyso dilka Culumada loogu geysto gobalada kala duwan ee Kenya.
Dhanka kale Wadaadka la dilay oo ahaa Ganacsade caan ka ah gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa rag hubeysan ay xoog ku saareen baabuur ay wateen, xili ay gacmaha ka xireen Khamiistii aynu soo dhaafnay isagoo ku sugnaa wadada lagu magacaabo Post-da ee dhex marto magaalada Gaarisa, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.
Dilka wadaadkaas, ayaa ku soo beegmaayo xili TV-ga Al Jazeera uu labo todobaad ka hor soo saaray film baaritaan ahaa oo uu ku sheegay in dowlada Kenya ay sameysay Ciidamo gaar ah oo ay ugu tala galay dilka Wadaado Musliim ah, balse dowlada Kenyana ay beenisay arrintaas xili TV-gu uu sheegay inuu soo bandhigay tabi sax ah.
Sidoo kale dilka Sheekh Maxamed Cali oo ugu dambeeyay dilal is-xigay oo mashaa'ikh kala duwan loogu geystay deegaano ka tirsan gobalada Kenya, ayaa wuxuu ka dambeyay ayadoo dhawaan Madaxweynaha Kenya uu saxiixay sharci cusub oo lagula dagaalamaayo aragagixisay kaasoo baarlamaanka Kenya ay meel mariyeen xili uu buuq hareeyay kulankoodii.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya