
Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, kaddib casuumad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Siisi.
Wafdiga Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin; sii-heyayaasha wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, caddaaladda iyo dastuurka, maaliyadda iyo tacliinta sare ayaa kulammo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dalkaas.
Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku soo dhoweeyay wasiirka taclinta sare ee Masar, Dr Maxamuud Abu-Nasri, safiirka Somalia u fadhiya dalka Masar, C/llaahi Xasan iyo mas'uuliyiin kale.
Isniinta maanta ah ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ay la kulan la yeeshaan madaxweynaha dalka Masar, Al-siisi, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-Carabi iyo xubno kale oo caalami ah.

Kulammadan ayaa looga hadli doonaa xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya iyo sidii dowladda Masar ay gacan uga geysan lahayd sidii dalka Soomaaliya uu horumar uga sameyn lahaa dhinacyada dib u dhiska iyo dib u soo celinta amniga.
Inta ay magaalada Qaahira ku sugan yihiin madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xubnaha ay la kulmi doonaan waxaa ka mid ah Muftiga Al-Azhar oo ay ku booqan doonaan dhismaha Jaamacadda Al-Azhar ee magaalada Qaahira.
Si kastaba ha ahaatee, booqashada uu madaxweynaha Somalia ku tagay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa noqonaysa tii saddexaad oo uu ku tago dalkaas tan iyo markii xilka madaxweynaha loo doortay dhammaadkii sannadkii 2012-kii.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya