Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Qaraxan oo ka dhashay goob lagu gubayay qashin ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawacyo soo gaaray labada kale, waxaana qaraxu ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada.
Goobjooge ku sugnaa agagaarka halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu yimid kadib markii nin qashin ku gubayay boos bannaan oo ku yaal xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo uu ku qarxay hub ku aasnaa halkaasi, taasoo sababtay dhimashada ninkii qashinka gubayay iyo dhaawacyo soo gaaray laba qof.
Laba qof ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa ah carruur ka agdhawayd halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyadoo loola cararay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo si loogu daweeyo.
Dalka Soomaaliya oo soo maray dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday ayaa waxaa aalaaba ka dhaca qaraxyo ka dhasha hubka ku aasan goobaha ay isticmaalaan bulshada, kaasoo ku qarxa kadib markii dab lagu shido amaba ay carruurta yar yari gargaraacaan.
Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan carruurta ayaa u baahan in laga wacyi-geliyo ka foojig-naanta walxaha qarxa, gaar ahaan in dab lagu shido amaba la gargaraaco waxyaalaha ay ka shakiyaan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Qarax ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay Kismaayo
More News
- Beledweyne oo laga Xusay Aasaaska Ciidanka Booliiska Somalia (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Booliska Somalia oo maanta xusay 71-sano guuradii Aasaaskooda
- Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka oo Hay’adaha SL ka soo Saaray Warbixino
- Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukuntay eedeysanayaal la horgeeyay
- Xasan Sheekh iyo Siilaanyo oo Kulankoodii ugu Horreeyay ku yeeshay Jabuuti
- Wasaaradda Gaadiidka oo xarun ka furatay G. Shabeellada dhexe (SAWIRRO)
- Dowladda oo soo dhaweysay go’aankii Xayiraada looga qaaday Sheekh Atam
- Wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo ka Furmaya Jabuuti
- Safiirka Somalia u Fadhiya Talyaaniga oo Hambalyo u diray Booliiska Somalia
- Ciidamada Badda Puntland oo Saldhig Cusub ka Sameysanaya Magaalada Eyl
- Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo Booqasho ku Tagay Baraawe
- Jaamacada Upper Jubba oo Ardayda dugsiyada sare siisay Tababaro gaar ah
- Dowladda Somalia oo Dib Uga Biirtay Machadka Qorsheynta Dalalka Carabta
- Ciidammo ka Tirsanaa Milateriga Soomaaliya oo ku Geeriyooday Shil Baabuur
- Dabaal-dagga Aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ka Socda Muqdisho