Dowladda Somalia oo Dib Uga Biirtay Machadka Qorsheynta Dalalka Carabta


Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa uga biirtay xubnaha xarunta machadka qorsheynta dalalka carabta oo fadhigiisu yahay dalka Kuwait. Iyadoo xarunta machadka lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay dowladda Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb-galay danjiraha u fadhiya dalka Kuwait, danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo xubnaha kale ee safaarada ka howlgala, iyadoo dhanka dowladda Kuwait ay uga qayb-galeen wasiirrada shaqada, qorsheynta iyo horumarinta Kuwait iyo madax kale.

Dib u soo celinta xubinmadda Soomaaliya ee machadkan ayaa waxaa dadaal dheer u galay safiirka Soomaaliya ee Kuwait, isla markaana ah hormuudka danjirayaasha dalalka Carabta u fadhiya dalka.

Hadal uu munaasabadda ka jeediyay danjire Amiin ayuu ugu mahad-celiyay madaxda machadka iyo dowladda Kuwait, sida ay mar walba Somalia isku-garab-taagaan, isagoo xusay inay aad ugu faraxsan yihiin inay Soomaaliya xubin buuxda ka noqoto machadkan oo qayb weyn ka ah isku-xirka iyo is-kaashiga dalalka Carabta.

Machadkan ayaa ka taageera dalalka dhanka tababaradda shaaqalaha iyo soo saarista hawl-wadeenno hawl-kar ah oo fulin kara howlaha ay dalalka ay u dhasheen uga baahan yihiin.

“Waxaan aad u rajeynaynaa inuu machadku kaalin muhiim ah ka qaato sidii uu shaqaalaha dowladda Soomaaliya u tababari lahaa, isla markaana uu ka soo baxo kaalinta kaga aaddan arrimaha Soomaaliya, innagoo sugayna inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabo howshiis,” ayuu yiri danjire Amiin.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in dowladda Jabuuti ay xubnihiisa ka mid noqotay, taasoo qayb ka ah xoojinta machadka ee Wadamada Carabta, si uu kaalin uga geysto tababarrada shaqaalaha dalalka Afrika eek u jira ururka Jaamacadda Carabta.

Machadka qorsheynta dalalka Carabta ayaa la aas-aasay sannadkii 1980-kii, wuxuuna ka taageeraa dalalka Carabta dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyadoo ay Somalia horay xubin uga ahayd machadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya