Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Jaamacadda Upper Jubba/Jubbada Sare ee Baydhabo ayaa ardayda dugsiyada sare ee Baydhabo u qabatay siminaaro kala duwan oo ku saabsan aqoonta sida loo qoro warbixinnada, CV-yada iyo qaabka xiriirka loo sameeyo.
Sidoo kale, jaamacadda ayaa horay ugu qabatay tababar beeraleyda gobolka Bay, kaasoo ku saabsanaa beeraha iyo xoolaha. Iyadoo siminnaarka maanta ay ardayda u qabatay ay ka faa’iidyesteen 180-arday oo ka mid ah dafcaddii labaad ee qalin-jibisa, waxaana ardaydan la siiyay shahaadooyin.
Jaamacada Upper Jubba waa tii ugu horreysey ee furta kuliyadda beeraha iyo xoolaha, waxaana dhigta jaamacadda arday badan oo dhigta; beeraha, xoolaha, macallimiinta iyo qaybta caafimaadka.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale ka jira afar Jaamacadood oo ah kuwo si gaar ah loo leeyahay, mana helaan wax taakuleyn ah, sidoo kalena Baydhabo waxaa ka furan 10-dugsi sare iyo 27-dugsi Hoose/Dhexe, kuwaas oo iyagana u furan dad shacab ah oo faa’iido doon ah. Mana jiraan meel ay taakuleyn ka helaan, marka laga reebo buugagta wax laga barto oo ay ka helaan hay’adaha UNICEF iyo NRC.
Dhanka kale, arday badan ayaan helin fursado jaamacadeed, sidaa awgeed ayay Jaamacada Upper Jubba waxay diiwaan-gelisay arday 600-gaaraysa oo ay siiso siminaaro ay aqoon-tooda sare ugu qaadayso.
Hiiraan Online, Baydhabo