
Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga saartay liiska cuna-qabateyntii horay u saarnayd hoggaamiyahii kooxda Al-shabaab ee Puntland, Sh. Maxamed Saciid (Atam) oo horay u shaaciyay inuu isaga baxay Al-shabaab.
Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow oo ah sii hayaha xilka wasaaradda warfaafinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri. “Dowladda Somalia waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Golaha Ammaanka ay Sh. Atam uga saareen liiska cuna-qabateynta. Dowladda ayaa arrintan QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka arrintan, si loogu guuleysto in xubnaha ka soo baxa Al-shabaab laga saaro liiska cuna-qabateynta ah ee ay ku jiraan.”
Sidoo kale, Dhuxuloow ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo weyn oo Atam kaliya aan ku ekaan doonin, balse dhammaan dadka nabadda jecel ay guul u tahay. Wuxuuna intaas ku daray in tallaabadan ay tahay habka uu caalamka isku raacsan-yahay oo lagu gaari karo nabad.
“Dowladda Somalia waxay aamisan tahay in Somali badan ay Al-Shabaab u raaceen dhaqaale iyo sababo kale. Haddase dowladdu fursado qaali ah ayay u haysaa dadkaas oo ay xorriyadooda ugu ololeynayso. Qof walba oo nabad qaata waa lasoo dhaweynayaa, tanoo ah ballan-qaad rasmi ah,” ayuu mar kale yiri wasiirka xilka banneynaya.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa horay cafis ugu fidiyay shaqsiyaadka doonaya inay nabadda qaataan. Sheekh Atom ayaana ka mid ahaa kuwii ka faa’iideystay cafiskaas, isagoo ballanqaaday inuu sii xoojin doono nabadda uuna tusaale u noqdo shaqsiyaadka weli Al-Shabaab ka tirsan ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan nabadana qaataan.
Xasan Sheekh ayaa amaanay dadaalka Atam uu ku doonayo inuu ku dadka Soomaaliyeed ku caawiyo, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u mahad-celiyay Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka ee gacanta ka geystay arrintan, isla markaana ogolaaday codsigii dowladda ee ahaa in Sheekh Atam laga saaro liiska cunaqabateynta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya