
Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Talyaaniga, Muuse Xasan Cabdulle ayaa hambalyo ku aaddan 71-guurada aasaaskii ciidanka booliiska Soomaalia u diray saraakiisha iyo dhammaan ciidamada booliiska Soomaaliya.
Muuse ayaa ciidamada booliiska Soomaaliya ku ammaanay waxqabadkii ay muujiyeen iyo sida ay ugu adeegeen shacabkooda tan iyo xilligii salka loo dhigay maanta oo kale 20-kii December, 1943-kii.
Safiirka ayaa tilmaamay in ciidamada booliiska uu kaalin weyn ku leeyahay hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed uuna u xil-saaran yahay ammaanka, isla markaana ah hooyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa dhanka kale isagoo ku hadlaya magaciisa, kan howl-wadeennada safaaradda Somalia ee Taliyaaniga iyo jaaliyadda ku nool dalkaas wuxuu hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maalmo ka hor magacaabiddiisa lagu dhawaaqay.
Dhanka kale, wuxuu danjiruhu sheegay inuu u rajeynayo ra’iisul wasaaraha cusub in uu xilkiisa ku guuleysto, isla markaana ku boorriyay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka ka samata-bixisa dhibaatada uu ku jiro.
Ugu dambeyn, Jen. Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in safaaradda Somalia ee Talyaaniga iyo howl-wadeennadeedu diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan RW Sharma’arke iyo xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay taageeraan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya