Faahfaahin kasoo baxaysa Weerarro lagu dilay Ciidammo ka tirsan Dowladda


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Weerarro ay saakay xoogag Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen baro ay ku sugnaayeen askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gobolka Shabeellada Hoose ayaa la xaqiijiyay inay ku dileen 10-askari oo ka mid ah ciidamadii ku sugnaa fariisimahaas.

Askarta lagu dilay weerarradan lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamadaas oo lagu magacaabi jiray, Col. Maxamed Khaliif, iyadoo weerarku uu ka dhacay laba deegaan oo u dhexeeya degmooyinada Tixsiile iyo Warmaxan oo u dhexeeya degmooyinka Wanla-weyn iyo Afgooye.

“Saaka aroortii ayay xoogagga Al-shabaab soo weerareen fariisimo ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ku lahaayeen gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu yiri Col. Aadan Nuur oo ka tirsan saraakiisha dowladda ee gobolka Shabeellada Hoose.

Col. Aadan ayaa intaas ku daray. “Waxay fariisimahaas ku dileen toban ka mid ah ciidanka dowladda oo uu ku jiray taliyahoodii, waxayna sidoo kale ku gubeen laba baabuur oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo ay ku xirnaayeen qoryo culus.”

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradan, iyadoo afhayeenkooda howlgallada oo warbaahinta la hadlay uu sheegay inay askar ka badan toban weeraradaas ku dileen, balse ma sheegin khasaare xoogaggii weerarka qaaday kasoo gaartay dagaalka.

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana u suurogashay ciidamadii Al-shabaab inay dilaan in ku dhow 14-askari oo ka tirsan kuwa dowladda, laba gaari oo kuwa dagaalka ahna isla goobta ayay ku gubeen,” ayuu yiri Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howlgallada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa xoojinaysa weerarrada gaadmada ah ee ay la beegsanayso ciidamada iyo xubnaha kale ee dowladda, iyadoo bishan afarteedii Muqdisho ku dhaawaceen xildhibaan Mustaf Mayow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Sannadkan ayay sidoo kale Al-shabaab ku dileen Muqdisho ku qaarjiyeen tiro ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahayd Saado Cali Warsame oo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee baarlamaanka ka tirsan oo lagu dilo Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya