
Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin kasoo saaray doorashooyin Soomaaliya ka dhaca iyo in dimuqraadiyad la gaaro, waxaana uu cinwaan uga dhigay. ‘Dareenka dadka Muqdisho ee Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka’.
Heritage ayaa warbixinteeda ku billowday in xog-ururin lagu wargeysay 1633 qof oo ku nool degmooyinka gobolka Banaadir lagu ogaaday in 37% daka xogta laga ururiyay ay sheegeen in doorashooyin dalka ka dhaca ay muhiim u yihiin wax ka qabashada amniga. Halka 73% ay ku jawaabeen in aysan diidanayn in doorasho ay dalka ka dhacdo.
Sidoo kale, dadka xogta laga ururiyay ayaa 27% waxay u arkaan inaysan is-ogolaan karin dimuqraadiyadda iyo dhaqanka Soomaalida, halka 16% ay u arkaan in dimuqraadiyaddu ay tahay arrin Islaamka kasoo horjeedda.
“Farqiga ku jira boqolkiiba dadka sheegay inay u arkaan doorashooyinka arrin muhiim 91% iyo kuwa u arka in doorashooyinku ay la jaan-qaadi karaan dhaqanka waxay muujinaysaa inay jiraan qaar dadka ka mid ah oo u arka doorashooyinka arrin muhiim ah,” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.
Machadka ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in dadka Muqdisho ku nool ay kasoo horjeedaan nidaamka hadda ay ku dhisan tahay dowladdan kuwii ka horreeyayna ay ku dhisnaayeen ee 4.5-ka ah.
“Dadkii daraasadda ka qaybqaatay waxay u malaynayaan sababta dadka badankiisu uga soo istaageen habka 4.5-ka, inuu noqday mid xidideystay oo qabiil walba uu ku doonayo xil. Taasoo keentay hadda in shacabku aamineen in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ay ku xiran tahay inay beelaha kala ah Hawiye iyo Daarood ka yimaadana, iyadoo aan la eegayn mudan. Haddii dimuqraadiyaddu ay tahay mid ku dhisan xisbiyo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri mar kale warbixinta uu machadku soo saaray.
Ugu dambeyn, Machadka Heritage wuxuu ku taliyay in loo baahan yahay in la sameeyo olole lagu baraarujinayo shacabka ah si sare loogu qaado wacyiga dadka ee ku aaddan doorashooyinka, qiimaha dimuqraadiyadda iyo in muwaadinka la fahamsiiyo xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran. Waana in lagu bixiyaa dadaal dheeraad ah sidii dadka aaminsan in dimuqraadiyadda aanay la jaanqaadi karin dhaqanka Soomaalida iyo sidoo kale diinta Islaamka loo fahamsiin lahaa labada arrimood.
“Islaamku waa caddaalad, xaq-soor, la-tashi iyo maamul aasaaskiisu yahay heshiis bulsho,” ayaa lagu yiri warbixinta, Iyadoo lagu soo gunaanaday in ololaha baraarujinta dadweynaha in lagu daro macluumaad ku saabsan dhaqanka dimuqraadiyadeed ee ay leeyihiin Soomaalida iyo mid ay diinta Islaamka.
HALKAN KA ROGO WARBIXINTA OO DHAMEYSITRAN
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya