Guddiga Maamul Sameynta Gobollada Dhexe oo loo soo Gunaanaday Tababar


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhawaan maamul loo sameeyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud ayaa guddiga farsmada dhismaha maamulkaas ee dowladdu Somalia ay dhawaan magacowday loo qabtay tababar ku saabsan qaabkii ay doorashada u jiheyn lahaayeen.

Munaasabadda soo gaba-gabeynta tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galay xubnaha gudigaas iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda dhawaan kalsoonidii lagala laabtay.

Tababarkan oo socday muddo toddobaad ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, waxaana fududdeysay xarunta CRD iyo hay’ad lagu magacaabo FCA oo fadhigeedu yahay dalka Finland.

Xafladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Iimaan Xasan oo ku hadlay magaca ka qayb-galayaasha tababarka, isagoo sheegey in mudadii uu socday tababarka ay aad u la-fagureen sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

“Annagu waxaan nahay guddi farsamo oo ujeedkiisu yahay sidii bulshada gobollada dhexe ku nool ay u heli lahaayeen maamul loo dhan yahay,“ ayuu yiri Iimaan Xasan.

Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ahaa xubnihii ka socday wasaarada arrimaha gudaha Somalia oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa in wasaaradu ay ku faraxsan tahay in guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe loo qabto siminnaar, isagoo tilmaamay inuu yahay mid u fududeynaya howsha adag ee sugeysa, wuxuuna kula dardaarmay guddiga farsamo inay dadaal muujiyaan ayna ka miro-dhaliyaan howshan maadaama muddo dheer lasoo waday.

Ugu dambeyn, waxaa tababarka soo xiray sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, isagoo xusay inay hay’adaha CRD iyo FCA qabteen howl loo baahnaa oo waqtigeeda lagu soo beegay. Isagoo guddiga farsamo u soo jeediyay in howsha baaxada leh ee ay u hayaan bulshada gobollada dhexe ka gaaraan natiijo wax ku-ool ah

“Muddo afar bilood ah ayaad howshan soo waddeen waana idin kaga mahad-celinayaa sida aad ugu dhabar-adaygteen howsha oo ah mid adag,“ ayuu yiri Goodax oo ku boorriyay guddiga in ay howshooda si cadaaladi ay ku jirto u dhameystiraan, casharradii ay tababarka ku qaateen ku dabaqaan howshooda.

Tababarkan ayaa waxaa kasoo baxay baaq ah in la dadajiyo howsha maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka, waxaa kaloo baaqan ka mid ah in la joojiyo dhamaan colaadaha ka taagan gobollada dhexe. In bulshada kasoo jeeda gobolladaas ee dalka dibadiisa iyo gudihiisaba jooga ay qayb weyn ka qaataan dhameystirka maamulka loo sameynayo gobolladooda iyo inay dar-dar-geliso dowladda federaalka Soomaaliya sugida amniga goobta u shirku ka dhacayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya