Waxyaalaha qarxa oo saaka laga helay agagaarka jidka Juja ee xaafadda Islii

Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Booliiska dalka Kenya, ayaa sheegay iney baariyaan qalab laga sameeyo waxyaabaha Qarxa oo ay saaka ka heleen agagaarka waddada Juja ee dhinaca ka marto xaafada Eastleigh - Islii oo Soomaalida badan ay ka dagan yihiin Nairobi.

Ciidamada Amiga Kenya gaar ahaan qeybta furfuridda Bambka, ayaa shaaciyay in quburo ka tirsan ciidamadooda ay ku guuleysteen Waabarigii hore maanta iney si nabad ah ku fur-furaan waxyaabo qaraxo oo lagu aasay wadada bar-barkeeda.

Dhanka kale wadada Juja, ayaa saaka xirneyd mudo saacado ah, ayadoona lagu lagu amray dadka iyo gaadidka in aynan marin wadadaas, waxaana dib loo furay saaka abaaro 7, arroornimo markaas ciidamadu ay sheegeen in si nabad ah lagu soo bixiyay waxyaabo wadada geeskeeda lagu qariyay.

Taliyaha qeybta Booliska ee degmada Starehe Baraza Wabomba, ayaa sheegay inay baari-taanno ku hayaan meesha laga keenay agabka laga sameyay waxyaabahaas qarxo iyo waliba cidii ka dambeysay.

Dhanka kale Saraakil ka socotay waaxda dambi baarista Kenya ee CID, ayaa tagay goob-taas kuwaasoo la wareegay waxyaabihii meesha lagu aasay si ay baaritaano ugu sameyaan, xili ciidamadu ay sheegeen in qalabkaas ay ahaayeen kuwa aanan dhib laheyn.

Goobtaas maanta laga helay Qalabka waxyaabaha qarxo laga sameyo, ayaa waxey u dhow-dahay meel horaantii sanadkan sidaan oo kale ay ciidamada Kenya sheegeen iney ka helay Waxyaabaha qarxo halkaas ku dhagan Saldhiga Booliska Pangani ee xaafada Islii.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi, Kenya