Isku-aadka Wareegga 16-ka UEFA Champion League oo Maanta la Shaaciyay


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Waxaa maanta lagu dhawaaqay isku-aadka wareegga 16-aad ee koobka Qaramada Yurub ee Champions League, iyadoo kooxaha qaarkood oo ahaa kuwa ugu adag ay isku aadeen.

Kooxda Real Madrid oo haysata koobkan horyaalkan loo tartamayo ayaa waxay isku soo aadeen kooxda Schalke 04 ee dalka Jarmalka, iyadoo kooxdan ay laba jeer ka badisay Real Madrid.

Sidoo kale, kooxda Chelsea ayaa waxay iyaduna isku soo aadeen PSG oo ka dhisan dalka Faransiiska. Kooxda Barcelona ayaa iyadana mar kale waxay iska-horimaan doonaan kooxda Ingiriiska ka dhisan ee kooxda Manchester City.

Naadiga Bayern Munich ayaa kooxda Shakhtar Donestk ee dalka Ukrain, iyadoo kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ay isku beegmeen kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.

Arsenal ayaa iyadana ku aadday kooxda Monaco ee dalka Faransiiska, iyadoo la filayo in sanadkan 2014-ka uu is-araggu noqon doonaan kuwo adag, iyadoo koox walba ay dadaal ugu jirto sidii ay koobka ku hanan lahayd.

Haddaba; kooxuhu waxay isugu aadeen sidan:

1. Paris Saint-Germain (FRA) v Chelsea FC (ENG)
2. Manchester City FC (ENG) v FC Barcelona (ESP)
3. Bayer 04 Leverkusen (GER) v Club Atlético de Madrid (ESP)
4. Juventus (ITA) v Borussia Dortmund (GER)
5. Arsenal FC (ENG) v AS Monaco FC (FRA)
6. FC Schalke 04 (GER) v Real Madrid CF (ESP)
7. FC Shakhtar Donetsk (UKR) v FC Bayern München (GER)
8. FC Basel 1893 (SUI) v FC Porto (POR)

Is-aragga koowaad ee ayaa la ciyaari doonaan 17-ka iyo 18-ka Feberaayo 2015-ka iyo 24-ka iyo 25-ka isla bishaas, sidoo kale is araga labaad ayaa la ciyaari doonaa 10-ka iyo 11-ka bisha Maarso ee 2015-ka iyo 17-ka iyo 18-ka Maarso isla sannadka soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya