4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Hoggaamiyaha Guud ee Al-shabaab oo fariin maqal ah oo uu soo diray kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Shirka London

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa warbixin maqal ah oo uu soo saaray kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, weerarkii Muqdisho ee lala beegsaday maxkamadda, dastuurka, howgallada ka socda dalka, dastuurka iyo shirka London.

Abuu-Zubeyr ayaa dagaalyahannada Al-shabaab ay dhiiiggooda ku bixiyeen inay fashiliyeen duullaanno uu sheegay in Mareykanka iyo Itoobiya ay kusoo qaadeen dalka, wuxuuna u duceeyay sagaalkii qof ee ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta maxkamadda gobolka banaadir, isagoo ku sheegay inay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray difaaca diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

"Dhiigga shuhaddada waxaa lagu fashiliyay duullaankii Mareykanku kusoo qaaday dalkeenna, waa midkii u diiday Itoobiya inay qabsadaan dalkeenna, waa midkii dumiyay shirqoolladii ay maleegeen, C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, waa midka burburin doona dabinnada Yugaandheyska iyo kuwa la safan ay la damacsan yihiin dalkan," ayuu yiri Abuu-Zubeyr.

Amiirka Al-shabaab ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka sii dareen dhibaatooyinkii ay ummadda u geysteen mas’uuliyiintii iyaga ka horeeyay, isagoo dhibaatooyinkaas ku sheegay:

1. Inay soo waarideen ama keeneen dastuur ka dhan ah ummadda diinteed, dhaqankeeda iyo danaheeda, laguna saleeyay rabitaanka dad shisheeye ah oo aynaan diin iyo dhaqan midna wadaagin.

2. Waxay jideeyeen gabbaadna u noqdeen qabsahsada dalka iyo kala qaybtiisa iyagoo ciidamada gumeystaha ee soo duulay inay yihiin kuwo ay saaxiibbo yihiin ama kuwo nabad ilaalin ah, waana tan keentay in dalka ay qabsadaan ciidammo shisheeye oo cadow ah iyo shirkado amni oo dano gaar ah leh. Waana tan keentay in Baydhabo iyo Garbahaarey ay maamulaan ciidammo Itoobiyaan ah, Kismaayana uu xukummo Keenyaati oo aan waxba looga ogoleyn talada iyo inay dekedda iyo garoonka Muqdisho maamulaan ciidammo Yugaandhiis ah.

3. Waxaa la boobay khayraadkii dalka oo lagu fasaxay ciidammo shisheeye oo soo duulay iyo shirkado ajnabi ah iyadoo lagu daboolayo heshiisyo iskaasho oo dhalan-teed ah iyo maal-gashi muqmuqmaasuq ah, ujeeddaduna ay tahay si dareen la’aan ah in khayraadka ummadda loo dhaxal-wareejiyo, waxayna sidoo kale qalqal-geliyeen dhaqaalaha gudaha iyagoo horseeday sicir-barar iyo qalalaase sarif.

4. Waxay horseedeen faafhinta anshax-xumada iyo duminta akhlaaqda

5. barakicinta deegaannada nabadda, amniga ay sugayaan iyo nabadda ay wadaanna waxay kusoo ururtay inay ciidammo shisheeye ku hoggaamiyaan deegaanno nabad ah oo sharciga Alle hoos-harsanaya, dadka ay ka dhigaan kuwo barakaca, wax la laayo, wax la xirxiro iyo wax cabsada.

6. Xabsi wadareedyo aan kala sooc lahayn oo si joogto ah uga dhaca deegaannada ay ka taliyaan, siiba Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo, qaarna madaxfurasho laga qaato, kuwo kalena inta xabsiyada lagala baxo maydadkooda jidadka lasoo dhigo.

Arrimahan ayuu ku sheegay Abuu-Zubeyr inay tahay sababta keentay in Mareykanka uu aqoonsi ku siiyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay dowladdu fulisay hadafyadii ay Mareykanka iyo reer galbeedku dalkan ka leeyihiin.

Isagoo la hadlayay shacabka Soomaaliyeed ayuu wuxuu uu ku booriyay inay garab u noqdaan dadka difaacaya diinta Alle oo aysan ku kadsoomin ballan-qaadyada gaalada.

Waxaa sidoo kale uu ku boorriyay dagaalyahannada Al-shabaab qaybahooda kala duwan ee ka howlgala dalka inay duullaanno joogto ah ku goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya.

"Mujaahidiinta waxaan leeyahay hadafkiinnu waa inaad gaalada dhabarka ka jabisaan, si ummaddu ay isugu xukunto sharciga Alle, weerarrada joogteeya, duullaanka darran-dooriya, cadowga nasasho u diida, xarumahooda ugu daata, jidadkana ku beegsada, qaraxyada ku naafeeya, ismiidaamintana ku argagax-geliya, hana u aabbo-yeelina tirada cadowga," ayuu Abuu-Zubeyr ku boorriyay dagaalyahannada Al-shabaab.

Sidoo kale; Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu soo hadal-qaada shirka lagu wado 07-da bishan inuu ka furmo magaalada London ee dalka Britain, kaasoo uu ku sheegay inuu dhameystir u yahay shirqoolladii shirkii sannadkii hore lagu qabtay isla magaalada London.

“Qorshayaasha la doonayo in shirkan lagu meel-mariyo waxaa ka mid ah: In ilaha dhaqaalaha iyo khayraadka dalka in lala wareego wixii ka baaqi ahaa iyadoo gabbaad laga dhiganayo heshiisyo caalami ah iyo maamul-waanag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Kala qaybinta dalka iyadoo saldhig laga dhiganayo waxa loogu yeero federaal oo dhab ahaan ah kala qaybin mal-dahan. Kala qaybsanaanta ummadda Soomaaliyeed illaa hadda dhextaalla waxaa dhigay Ingiriis inaan gargaar ka sugnaha waa ayaan-darro, waayo isagaa siiyay Kenya gobollada waqooyi-galbeed, Itoobiyana siiyay Galbeed,” ayuu yiri Abuu-Zubeyr.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in shirka London uu saldhig u yahay in laga tago diinta Alle laguna bedelo sharciyada Mareykanka iyo Ingiriiska, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan shirkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya