4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Khilaaf Beeleed ka taagnaa Gobolka Sanaag oo la xalliyay iyo qof loo haystay inuu dil geystay oo lasoo qabtay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Magaaladda Ceeryaan ee koonfur galbeed ee gobolka Sanaag, ayaa lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey laba beelood oo wadda dega deegaankaasi.

Munaasibad lagu soo afjarayey khilaafkaasi labadda beelood soo dhex maray, ayaa waxa iskugu yimid madax dhaqameedka, waxgaradka, maayiradda degmooyinka Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo, xildhibaano ka kala tirsan golaha deegaanka degmooyinkaasi, Culimaa’u-diinka gobolka Sanaag iyo odayaal guurti ah.

Khilaafkan oo uu ka dhashay ka dib markii laba beelood oo wadda dega ay midkood nin laga dilay, taasina ay keentay in beeshii kalana urur satay ciidan beelood, haseyeeshee waxa kala  gaadhay  ciidanka Booliska iyo Milatariga gobolka Sanaag oo ku guulaystay inay soo qabtaan lix nin oo uu ku jiro ninkii lagu eedeeyey inuu ninka dilay iyo caaqilkiisii sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi.

Xafladan lagu xalinayey isku dhaca labadda beelood, ayaa waxa ka hadlay maayarka Degmadda Ceel Afweyn Baashe Xandule iyo ku simaha maayar ku xigeenka Ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabbaase, Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali,  Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays, Suld-Axmed Faahiye, Suld-Cali Yuusuf Cabdi, Guddoomiye-Naasir Cali Jaamac, Caaqil-Maxamed Cismaan Liibaan, Caaqil-Ibraahin Saalax Raage, Caaqil-Axmed Dafac, Taliyeyaasha ciidammada Booliiska iyo millateriga iyo Sheekh-Maxamed Cali Biixi, waxaanay sheegeen in lix nin oo uu ku jiro ninkii falkan dilka ah geystay gacanta lagu hayo, isla markaana sharcigana la hor gaynayo, waxaanay dhamaantood isku raaceen sidii nabadda loo ilaashadan lahaa.

Sidoo kalena, waxay labaddii dhinac iyo waxgaradkii kale ee xalinta khilaafkaasi ka qaybgalay soo jeediyeen in sida ugu degan loo dhameeyo, isla markaana ay diyaar u yihiin labaddii dhinac ee khilaafku soo kala dhexgalay.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Sanaag, ayaa inta badan waxa wada dego beelo kala duwan kuwaas oo mar waliba soo noqnoqdo khilaafka ka jira beelaha, haseyeeshee waxa lagu guulaysta in aanay dhibaatidii sii kordhin oo la soo afjaro, isla markaana la soo qabto ninkii dilka geystay iyo dad kale oo la socday, waxaanay soo qabashadaasi fududeeyey beesha uu ka soo jeeday ninkaasi dilka loo haysto.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland