4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Kulan looga hadlay sidii Xabsiga looga Sii-deyn lahaa Bashiir Makhtal oo xalay lagu qabtay Magaalada Ottawa (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay sii-daynta Bashiir Makhtal oo Somali-Canadian ah kuna xiran dalka Itoobiya muddo lix sano ayaa lagu qabtay xalay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, iyadoo kulankaas ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa, mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Kanada, xaaskii Bashiir Makhtal iyo walaalkiis iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddi loogu magadaray guddiga sii-daynta Bashiir Makhtal iyadoo kulankan looga gol-lahaa in looga codsado dowladda Kanada inay ku cadaadiso Itoobiya iay xabsiga kasii dayso Bashiir Makhtal oo muddo lix (6) sanno ku xiran dalka Itoobiya.


Xoghayaha hay’adda xuquul aadanaha ee Amnesty International ee dalka Kanada, Alex Neve


Xoghayaha hay’adda xuquul aadanaha ee Amnesty International ee dalka Kanada, Alex Neve oo goobta hadal ka jeediyay ayaa dowladda Kanada ku eedeeyay inaysan culeys badan ku saarin dowladda Itoobiya sii daynta Bashiir Makhtal, isagoo sheegay in Kanada ay tahay dowlad aad ugu xiran Itoobiya, balse ay ka gaabisay arrintan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Itoobiya waa dalka ugu weyn Afrika ee ay reer galbeedku siiyaan saddex bilyan oo dollar ($3 billion)  sannad walba, balse waxay iska indho-tirayaan inay ka hor-joogsadaan xadgudubyada dhinaca aadaanaha ah ee ay geysanayso, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dad badan ay si sharci-darro ah dalkeeda ugu xir-xirtay,” ayuu yiri Alex Neve.


Prof.Monia Mazigh, xaaska Maher Arraar


Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadashay haweenay horay ninkeeda si sharci-darro loogu musaafuriyay dalka Suuriya halkaasoo jir-dil xooggan loogu geystay, iyadoo sheegtay in dowladda Kanada ay ka seexatay arrinta Bashiir Makhtal, waxayna jaaliyadda Soomaalida ah ee Ottawa kula talisay inay arrintaan go’aan cad ka qaataan si baarlamaanka ay u gaarto loogana doodo.

“Magaalada Ottawa waxaa ku nool 20,000 oo Soomaali ah, codkooda ayayna kusoo dayn karaan Bashiir Makhtal; waayo dalkan waa dal la dhageysto codka ka imaanaya shacabka, arrintanna waxay ugu dambeyn gaaraysaa ra’iisul wasaaraha Kanada,” ayay tiri Prof.Monia Mazigh oo ah haweeney u dhaxday Maher Arrar oo jir-dil loogu geystay dalka Suuriya.

Dowladda Kanada ayaa raalli-gelin ka bixisay musaafurinta Maher Arar, iyadoo ku tilmaantay musaafurintaas khalad weyn oo laga galay Arar iy oqoyskiisa.


Wasiirka Arrimaha dibadda ee  dalka Kanada mudane John Baird


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa ayaa iyagana muujiyay inaysan ku qanacsanayn meesha ay dowladda Kanada ka taagan tahay xarigga aan sharciga ahayn ee lagu hayo Bashiir Makhtal oo haysta dhalashada dalka Kanada.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Maxamuud Xaaji Aadan oo ku hadlayay magaca jaaliyadda Ottawa, isagoo sheegay in xanuun badan uu ku hayo xariga Bashiir Makhtal loogana baahan yahay dowladda Kanada inay dadaal dheeri ah u gasho sii dayntiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kanada, John Baird oo gabgabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii xabsiga looga sii-dayn lahaa Bashiir Makhtal; isagoo sheegay inay dowladda Itoobiya kala hadleen arrintuna ay meel aad u wanaagsan marayso.

“Arrinta ku saabsan sii daynta Makhtal xukuumaddu aad ayay ugu howlan tahay, waxaana ku kalsoonnahay in dhawaan ay soo gaba-gaboobi doonto, waayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya waa nin aad is naqaanno oo horay u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,” ayuu Baird hadalkiisa ku daray.


Xaaska Bashiir Makhtal, Casiisa Cusmaan


Xaaska Bashiir Makhtal, Casiiso Cusmaan oo dhawaan tagtay dalka Kanada iyo walaalkiis Siciid Makhtal oo kulanka ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in dowladda Kanada ay ku dhaliilayaan meesha ay iska taagtay sii-daynta Makhtal oo ku jira xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa fudeeyayaal ka ahaa Fowziyo C/qaadir iyo Maxamed Soofe oo ka mid ah guddigii soo qabanqaabiyay kulankan oo dadkii kasoo qaybgalay ay aad ugu riyaaqeen.






Axmed Guure, Hiiraan Online
[email protected]
Ottawa, Canada