4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo iska Fogeeyay Eedeeyn ku saabsan in uu shaqsiyaad gaar ah u sameeyay Naas-nuujin

Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale,ayaa ka jawaabay eed loo soo jeediyey oo ahaa in gaadiid ay dawladu iibsanayso dad gaar ah uu ku siiyey qandaraasyo.

Wasiirka Maaliyada oo maanta shirjaa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warkaasi ay warbaahinta qaarkood qortay ee ahaa in gadiid dawlada loo soo iibinayey aan la soo marin guddidii qandaraasyada oo ahayd in la soo mariyo, isla  markaana dad gaar ah oo ay madaxtooyadda isku xidhan yihiin ku naasnuujiyey.

“Haday tahay gaadiidka la soo iibiyey hay’adii qandaraasyada ayeyna soo marin waa baab gaar ah oo cid gaar ah ayey khusaysa, wasaarada maaliyadda ma khuseyso qandaraasku, wasaarada maaliyadda waxa khuseysa wixii wasaaradu iibsanayso”ayuu yidhi wasiir Samaale oo ka jawaabayey eedaas loo soo jeediyey, waxaanu intaas ku daray “wax bay soo iibsan doontaa iyo tuugay ku iibsan doontaa waa wax aan dhicin, taasina waa been loo badheedhayo in la sheego, haddii ay jirto gaadiid ay iibsatay oo aan hay’addii qandaraasyada aan marin cida haysaa ha keento, haddii ay wasaarad kale tahay maaliyadda ma khuseyso ee kharashkeedda ayey ugu jirtaa, wixii wasaarada soo iibsanayso ee gaadiid ah cashuur dhaaf ayaa loo sameeyaa”

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu eedeeyey inay si casriyeysan u musuqmaasuqday gaadiid dawladda loo soo iibinayey  oo cid gaar ah ku siisay qandaraaska, halka ay guddidii qandaraasyada soo iibin lahaayeen gaadiidka dawladda u baahan tahay,heseyeeshee wasiirka waxa uu sheegay in aanay warkaasi waxba ka jirin, isla markaana laga been abuuray wasaaradiisa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland