3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Booqday Gobolka Shabeellada Dhexe, Isagoo Kulammo la Qaatay Qaybaha Bulshada (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno, aynaka mid ahaayeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo la kulmay waxgaradka iyo maamulka.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur-galayey xaaladaha ka jira gobolada dalka oo dhawaanahaan uu ku tagayay booqashooyinka, si u ogaado nolasha dadka iyo amniga.

Mudane Saacid iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka oo aad uga warramay dhibaatooyinka ka jira gobolka, waxayna ka codsadeen dowladda inay wax ka qabato sidii gobolka meelaha dhiman looga saari lahaa Al-shabaab, in dowladdu xoogga saarto sidii loo dhisi lahaa jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo uu ka muuqdo bur-bur iyo in maamul ay dadku soo doorteen loo sameeyo gobolka marka Al-shabaab laga saaro degmooyinka harsan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka warbixiyay xaaladda gobolka ee dhanka nabad-galayada iyo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadku.

“Mudane ra’iisul wasaare waxaa gobolka la xoreeyey 09, Dec, 2012; mana jiro illaa hadda wax ciidan boolis ah oo ka howlgala, waxaana hadda amniga suga ciidamada xooga, waana lama huraan ah in la helo ciidan nabad-sugid iyo boolis isugu jira, dowladdu way hilmaantay gobolka mana jiraan wax mucaawino ah oo soo gaaray tan iyo markii Al-shabaab laga saaray,” ayuu yiri Cabdi Jiinoow, isagoona dhanka kale hoosta ka xariiqay in waqtigan lagu jiro xilli roobaadkii guga oo uu wabigu sameeyo fatahaad, haddii aysan ka geysan dowladdu gacan sidii looga hortagi lahaa fatahaadda waxay keeni kartaa dhibaato isugu jirta beeraha oo xumaada iyo isku socod la’aan weyn.

Intaa kaddib, ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad dheer u jeediyay shacab aad u tiro badan oo ka qayb-qaadanayay soo dhaweynta wafdiga, isagoo aad uga mahadceliyay sida sharafta leh oo dadweynuhu ay u soo dhaweeyeen.

“Waxaan aad ugu farax-sanahay sida wanaagga badan ee aad noo soo dhaweyseen iyo ciyaaraha kala duwan oo aad soo bandhigteen sida shiribka, beerreyda, kabeebeyda iyo dhaantada, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Jowhar diyaarka ugu yihiin dowladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan cadaalad iyo sinnaan taasoo ah siyaasadda dowladda lagu dhisay. Qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta ka hadlay goobtan waxay noo muujiyeen dareenkooda iyo dowlada jacaylkooda, taas ayaan sabab u ah in aan booqanay gobollo badan oo ka tirsan dalka si aan u qiimayno rabitaanka dadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale u sheegay shacabka ku nool Jowhar in dowladdu wax weyn kala qaban-doonto soo jeedintooda oo ay ku sheegeen suugaanta.

“Waxaan diyaar u nahay wax kasta oo ay dowladdu idiin qaban-karto inaan dadajinno, wixii aad ka tabateen maamulka hadda jira oo caddaalad-darro ah, dowladdu si aan leex-leexad lahayn ayay wax uga qabanaysaa, maalintii la xoreeyay gobolka illaa maanta mar kasta dowladdu waxay u soo diraysay wafdi la socda xaaladda gobolka,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri khudbadii uu jeediyay, isagoo intaas raaciyay in gobolka Shabeeladda Dhexe ay dowladdu dadaal u gali doonto sidii wax looga qaban lahaa dhanka horumarka.

Ugu dambeyn, ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa casho sharaf loogu sameeyey warshaddii dharka ee Balcad oo noqotay warshadda kaliya ee ka bad-baadday burburkii soo maray kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ku aamanay reer Balcad inay yihiin dad waddaniyiin ah dowladduna ay siin doonto abaal-gud.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/30/2013 2:48 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ansixisay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday horraantii bishan Maarso, natiijadii ay soo saareen guddiga doorashadana ay ahayd mid sax ah, waxaana go’aanka maxkamadda aad u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xilka banneynaya ee Kenya, Raila Odinga oo dacwad uu ku diidan yahay natiijada u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya.

3/30/2013 2:46 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Deegaanno hoos yimaada gobolka Bay qaarkood waxay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka qaarkood sida UNICEF, ICRC, FAO iyo NRC kuwaasoo kawada howlo gargaar deegaannada dhibaatada ka jirto,

3/30/2013 11:52 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Magaaladda Ceeryaan ee koonfur galbeed ee gobolka Sanaag, ayaa lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey laba beelood oo wadda dega deegaankaasi.

3/30/2013 8:06 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale,ayaa ka jawaabay eed loo soo jeediyey oo ahaa in gaadiid ay dawladu iibsanayso dad gaar ah uu ku siiyey qandaraasyo.

3/30/2013 8:02 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa wadda qaban-qaabada shir-weynaha Qaran oo looga tashanayo dib u habeynta garsoorka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 11-kii bishii Febraayo ee sanadkan. Shirkan ayaa wuxuu billaabanayaa 01-da April wuxuuna soconayaa illaa 05-ta isla bisha April ee isla sanadkan 2013, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Muqdisho.

3/30/2013 7:28 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi ay horkaceyso wasiirka wasaarrada hormarinta adeega bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu dhawaan ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka.

3/30/2013 7:21 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

3/30/2013 6:49 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dhaqaatiirta caafimaadka ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baladweyne uu ka dillacay cudurka daacuunka.

3/30/2013 4:26 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kaddib markii la magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa wuxuu ku tagay gobollada dalka booqashooyin uu ugu kuugalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, taasoo ay shacabka Sooamaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

3/30/2013 4:05 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaah dibadda Kanada, John Baird ayaa sheegay in sannadkan uu booqan doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay dowladdiisu gacan weyn siin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.

3/30/2013 3:47 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay sii-daynta Bashiir Makhtal oo Somali-Canadian ah kuna xiran dalka Itoobiya muddo lix sano ayaa lagu qabtay xalay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, iyadoo kulankaas ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa, mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Kanada, xaaskii Bashiir Makhtal iyo walaalkiis iyo mas’uuliyiin kale.