3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Baarlamaanka Federaalka Somalia oo loogu Baaqay Dhameystirka Sharciga qabyada ah ee Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqday inuu xoojiyo sharciga qabayada ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, uuna kala tashado dhameystirkiisa bulshada Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa waxaa baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta Soomaaliya bishii hore dhammaadkeeda si ay uga doodaan xubnaha baarlamaanka ayna u ansixiyaan.

"Dhameystirka sharcigan wuxuu qayb weyn ka qaadanayaa sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada arrimaha xuquuqda aadanaha ee Somalia ka taagan," ayay ku tiri agaaasime ku xigeenka Afrika ee HRW,Leslie Lefkow warbixin ay hay’addu soo saartay maalin ka hor.

Lefkow waxay hadalkeeda ku dartay. "Haddii sharcigan uu noqodo mid daciif ah wuxuu bilowgaba curyaamin doonaa guddiga baarlamaanka u qaabilsan dhianca xauquuqda aadanaha, waana in baarlamaanku uu hubiyaan inaysan taasi dhicin."

Guddiga baarlamaanka ee xuquuqda aadanaha, haweenka iyo arrimaha bini'aadannimada ayaa sharcigan gacanta ku haya, waxaana guddigan ay ku sameynayaan sharciga dib u eegis, si ay go’aan uga gaaraan kaddibna ay ugu soo celiyaan baarlamaanka.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga laga doonayo in uu dammaanad-qaado - guddi adag oo madax-bannaan kaasoo leh sharciyad ballaaran iyo awoodo dhaqan-galin.

"Sharci daciif ah oo lagula deg-dego baarlamaanka wuxuu dhibaato wayn ku noqon doonaa dhibbanayaasha badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo la klumay tacadiyo kala duwan oo dhinaca ban’aadamnimada ah,” ayay Lefkow ku tiri warbixinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/13/2013 3:36 PM EST
Khamiis, June 13, 2013(HOL)—Shirkaan waxaa ujeedkiisa ahaa wadatashi ay qowmiyadda ka yeelatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka. Shirkaan waxaa kasoo qeyb galey Odayaal, Waayo-arag, Siyaasiyin, Dhalinyaro, Haween iyo culumaa'udiin.

6/13/2013 10:20 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Bandhig farshaxameed kii ugu horreeyay noociisa ayay hay’adda CRD ka furtay maanta magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana xafladda furitaanka goob-joog ka ahaa dad isugu jiray Soomaali iyo ajnabi.

6/13/2013 9:16 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay iyo xubno la socday ayaa maanta tagay Hargeysa si uu kulammo ula yeesho madaxda Somailland oo uu ugu horreeyo Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland.

6/13/2013 8:03 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub ayaa maanta loo doortay maanta maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tiliya deegaanno ka yaalla bartamaha Soomaaliya, waxaana xubnahan cusub ee la doortay maanta u codeeyay 23-ka xubnood ee baarlamaanka maamulkaas uu ka kooban yahay.

6/13/2013 7:38 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha ayaa soo gaaray Muqdisho si ay u qiimeeyaan dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo dekedda weyn ee Muqdisho oo ah isha ay dowladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala.

6/13/2013 3:06 AM EST
Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo magaalada Nairobi ugu warramay wargeyska Standard ayaa sheegay in dhismaha maamulkooda uusan ahayn mid ay ka dambeyso Kenya.