4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
Hay’adda CRD oo Maanta Muqdisho ka furtay Bandhig-farshaxameed socon doono muddo saddex Maalmood ah (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) —  Bandhig farshaxameed kii ugu horreeyay noociisa ayay hay’adda CRD ka furtay maanta magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana xafladda furitaanka goob-joog ka ahaa dad isugu jiray Soomaali iyo ajnabi.

Farshaxanka kala duwan ee lagu soo bandhigay furitaanka bandhigga ayaa waxaa gacantooda ku sameeyay farshax-yaqaanno Soomaaliyeed, kuwaas oo aan dalka ka bixin muddooyinkii ay dagaalladu socdeen.

“Bandhiga waa mid muujinaya in Soomaaliya ay ka baxay xaaladihii ay horay ugu jirtay ayna u gudubtay xaalado cusub, waa bandhig muujinaya in dalku horay u socdo oo aan la joojin halkii shalay,” ayuu yiri dajire Maxamed Cali Ameerika oo Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya kana mid ahaa xubnihii lagu casuumay kulanka.

Sawirrada ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo lagu dhajiyay darbiyada, halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo dhulka yaallay, waxaana bandhiggan la sheegay in maalmaha uu socodo ay dadku u soo daawasho-tegi karaan.

Muuqaallada sawir-gacmeedyada ayaa ahaa kuwo ka turjumayay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo dihbaatooyinka haysta shacabka, waxaana mid ka mid ah sawirrada oo la sharraxay oo ahaa dheri karkaraya la sheegay in uu ka tarjumayo xalaadda dalka uu ku sugan yahay ayna hurinta balaayada ka qaybqaataan qaybaha bulshad oo dhan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya