4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2013
SHIIKH AXMED MADOOBE: “Dhismaha Maamulka Jubaland wax Taageero ah kagama aanan helin Dowladda Kenya”


Khamiis, Juun 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo magaalada Nairobi ugu warramay wargeyska Standard ayaa sheegay in dhismaha maamulkooda uusan ahayn mid ay ka dambeyso Kenya.

Sheekh Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay mid ay soo doorteen dadka deegaanka uuna yahay maamul si toos ah ula shaqeynaya dowladda Soomaaliya oo aan doonayn inuu Soomaaliya ka go’o.

“Kaalinta keliya oo ay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay lahaayeen waa in Al-shabaab laga saraaro gobollada Jubbooyinka, balse taageero kama aan helin dhismaha maamulkan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Sheekh Axmed wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan aysan jirin wax taageero ah oo ay ka helaan, isagoo beeniyay inay taageereen xilligii ay dagaalladu ka socdeen magalada Kismaayo.

“Ciidamada Kenya waxay ka tirsan yihiin AMISOM, waxayna halkaas u joogaan howl ay wakiil uga yihiin taliskooda, ma jirto taageero gaar ah oo aan ka helno, mana jirto dhibaatooyin ay shacabka u geystaan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madobe.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan siyaabo kala duwan u sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin ku hayaan dadka ku nool Kismaayo, ayna la kala safteen xoogaggii dhawaan Kismaayo ku dagaalamay.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay inuu dowladda Soomaaliya ula shaqeynayo qaab federaaliisim ah oo uusan doonayn inuu noqdo maamul ka go’a Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Jubaland oo looga dhawaaqay Kismaayo bishii hore ayaa waxaa isku haystay maamulkiisa shan ruux oo dhammaantood sheegtay inay yihiin madaxweynaha maamulkaas, kuwaasoo uu ku jiro Sheekh Axmed Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya