3/20/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2013
Maamullada Somaliland iyo Khaatumo State oo la kala Wareegay Maxaabiis iyo Gaadiid ay Muddo kala haysteen (SAWIRRO)


Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Maxaabiis iyo gaadiid muddo dheer ay kala haysteen maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa makhribnimadii shalay oo Isniin ahayd lagula kala wareegay duleedka degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Lix maxbuus iyo gaari kuwa iska-rogaha ah oo maamulka Somaliland ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen maamulka Khaatumo 22/Jan/2013 ayaa odayaal ka yimi dhinaca magaalada Burco soo gaarsiiyeen magaalada Xuddun halka odayaal ka yimid dhinaca maamulka Khaatumana ay keeneen laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah iyo sadex nin.

Kala wareegidda labada dhinaca ayaa loo diiday inay saxaafadu goobjoog ka ahaato oo ay sawirro ka qaataan maxaabiista, balse waxaa jiray wadahadal muddo dheer qaatay oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen gaadiidka lala kala wareegaayay oo aan dhameyn.

Oday ka mid ahaa kuwa deeganka Xuddun, Muuse Xasan oo goobta joogy ayaa sheegay inay laba gaari ku maqan yihiin dhinaca Somaliland halka dhinaca maamulka Khaatumana hal gaari aan goobta la keenin.

Makhribkii shalay ayaa labada dhinaca u kala boqooleen deegaanadii ay ka yimaadeen, wararka saxaafadda soo gaaraya ayaa sheegaya inay labada dhinac heshiiyeen, balse waxaa jirta in odayaashii ka socdey Somaliland ay ka tageen gaari, taasoo muujinaysa inay weli tabasho jirto.

Dadka taabacsan maamulka Khaatumo ayaa laga soo bilaabo bishii koowaad ee sanadka ugaadhsi xoogan ku hayay gaadiidka isaga gooshaya Waqooyi Soomaaliya iyo marsada Boosaaso, kuwaasoo cudurdaar uga dhigaya dagaal labada maamul dhex-maray inay dad rayid ah iyo gaadiid uga kaxaysteen tuulada Gorofley oo 20-km bari kaga beegan Xuddun.

Waa markii ugu horeysey ee labada maamul Somaliland iyo Khaatumo wax is dhaafsadaan, waxaadse moodaa in labad dhinacba ay doonayeen in si hoose loo dhameeyo arrinta, taasoo ay muujinayso qaabka ay maxaabiista iyo gaadiidka ula kala wareegeen odayaal ka socday labada dhinac.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
6/11/2013 2:25 PM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) —Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah ragga isku haysta xilka madaxweyne ee maamulka Jubbaland ee bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

6/11/2013 8:50 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta soo saartay amar ay ku xayirayso wargeyska madaxa banaan ee Hubaal oo Hargeysa ka soo baxa.

6/11/2013 8:37 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof oo dhallinyaro ah ayay booliiska Soomaaliya kuwa AMISOM waxay maanta ka sameeyeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha.

6/11/2013 8:22 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Dab khasaare geystey ayaa abbaare 10:00-kii barqonimo ee maanta ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

6/11/2013 7:54 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Madaxda dowladda Soonaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqataan sidii Soonmaaliya looga cirib-tiri lahaa cudurka halista ah ee dabeysha, kaddib markii ay madaxdu ka hadleen kulan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha bulshada oo ka dhacday Muqdisho.

6/11/2013 7:05 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay maanta in xiisadaha ka taagan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay ku wajibi doonaan qaab wadahadal iyo nabad ah.

6/11/2013 4:01 AM EST
Talaado, Juun 11, 2013 (HOL) — Tababar soconaya muddo afar maamood ah ayaa wuxuu uga furmay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye 14-sarkaal oo ah taliyayaasha booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.